Yoolnews.com
“Siyaasaddii Jeegaantu mar bay ahayd markiina nin keliya ayay anfacday oo keligii ku guuray oo Madaxwayne ku noqday ka dib markii uu dantiisii ku gaadhayna wuu iskaga marmay” Cali Gurey
November 26, 2020 - Written by Yool News
Hargeysa(Xogreebnews)-Siyaasiga Cali Maxamed Yusuf ayaa ka hadlay Hadalkii Dr. Gaboose ka jeediyey Gaashaamo, waxaanu yidhi “Hadalkii Dr Gaboose ka yidhi Gaashaamo Waan taageersanahay xataa marka aan alhriyay sadarada dhexdooda een helay fariintiisa dhinaca siyasadda. Kolka aan leeyahay midnimada Burco danta Somaliland baa ku jirta wax kale uma jeedo ee waa intaa uu Dr Gaboose u jeeday sida aan u fahmay. Siyaasaddii Jeegaantu mar bay ahayd markiina nin keliya ayay anfacday oo keligii ku guuray oo Madaxwayne ku noqday ka dib markii uu dantiisii ku gaadhayna wuu iskaga marmay.  Xaaladda dalku maanta siday tahayna inta wax ogi way og yihiin Ilaahayna qiyaamaha kuwa wax og iyo kuwa aan wax ogayn si uma wada xisaabiyo”.

COMMENTS
Latest News