Yoolnews.com
Haldoor Beesha Degta Deegaanada Hargaysa Iyo Farowayne Oo Galbinaya Murashaxa Golaha Wakiilada Matalaya Amb Maxamed Maarshaal Oo Ka Hilaacay Xisbiga Wadani Iyo Weedhihii Lagu Qaabiley.
November 26, 2020 - Written by Yool News

Munaasibad balaadhan oo lagu shaaciyay Murashaxa golaha wakiilada gobolka maroodi jeex Amb Maxamed Cabdikariim Cumar “”Maarshaal” oo lagu qabtay Magaalada hargaysa taasi Oo ay kasoo qaybgaleen haldoorka Beesha Uu kasoo jeeda, haweenka, dhalinyrada Madax-dhaqameedka siyaasiyiinta beeshaasi.

 

Sidoo kale waxaa munasibada goob joog ka ahaa hogaanka xisbiga wadani oo uu horkacayo gudoomiyae cabdiraxmaan Cirro oo ah xisbiga uu ka tartami doono danjire maxamed maarshaal.

Dhanka kale munaasibad shaacin murashaxnimada maxamed Cabdikariim ayaa laga jeediyay hadalo isugu jira soo dhawayn Iyo taageerada ay beeshiisu uhayso+ aqoonta iyo kartida lagu soo xushay masuulkan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
Latest News