Yoolnews.com
Geeska Africa Iyo Xaaladaha Uu Galay Ee Siyaasadeed, Dhaqaale Iyo Colaadeed, Xili La Filayey Hore U Socod Doorashooyin Xor Iyo Xalaal Ah!.
November 26, 2020 - Written by Yool News
Gobolka Geeska Africa Waxa uu galay xaalado Aad u adag oo keeni kara burbur iyo halaag, marka aad eegto Duruufaha adag Ee siyaasadeed, colaadeed,  dhaqaale iyo amni Ee xiligan Taagan;
1;Dalka Somalia waxa la isku diidan yahay doorashada soo Socota iyo qaabka loo galayo,  waxaana ay mucaaradka Dawladu aad uga qayliyeen awooda dawlada oo loo adeegsado Si baal marsan shuruucda dalka iyo qawaaniinta u yaalla,  waxa Kale oo la isku diidan yahay gudiga doorashada oo isaguna ah Halbowlaha doorashada iyo in la helo doorasho xor iyo xalaal ah , waxaana lagu eedeeyey in ay xukuumadu taladii maroorsatay.
Xaaladahani hadii ay sii socdaan waa qaar magaalada Muqdisho ku celin kara marxalado adag oo amni iyo xaalado ay ka soo Gudubtay,  waxaana muuqata in aan la isku garaabayn oo ay xukuumada Somalia ka talisaa cadaadis saartay cidkasta oo ay u aragto in ay ka soo horjeedo danaha ah in Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo soo laabto.
Waxa laga warqabaa in ay Somalia joogaan argagixisada Aduunka ugu halista badani,  sidoo kale waxa jooga ciidamada Nabad ilaalin ah oo kor u dhaafay 30 kun oo askari oo ah ciidamo kala duduwan,  waxa ay warbaahinta dunidu qoreysay in xalay lagu dilay Somalia sarkaal sare oo ka tirsanaa C.I.A oo loo aanaynayo ururada argagixisada ee ka dagaalama dalkaasi.
2;Dalka Ethiopia , waxa dhamaaday sadex maalmood iyo sadexdoodii habeen ( 72 saacadood ) oo dawlada Ethiopia u qabatay in ay isku soo dhiibaan xoogaga Tigray iyo Ururka TPLF oo ka dagaalamaya waqooyiga dalkaasi, maanta waxa soo baxday in ay dawlada Ethiopia dib u bilaabayso dagaalkii deegaanada Tigray gaar ahaan Caasimada Makelle .
Arimahani waxa ka dayriyey ururada xuquuqda aadamaha iyo hay’adaha gargaarka binu adenimada ee qaramada midoobay , iyaga oo dad ku dhow 40 kun ay ka gudbeen xadka u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan oo qaxooti ah una badan dumar iyo caruur ka barakacay dagaaladaasi iyo saameyntooda xun ee ay ku yeesheen dadka aan waxba galabsan ee shacabka ahaa.
Dedaalo badan oo dunidu ku jirtay oo ahaa in nabadgalyo lagu Soo dhameeyo xaaladaha colaadeed ee ka taagan Deegaankaasi, dawlada Ethiopia way ku gacan saydhay qoraal Ay shalay soo saartayna waxa uu Raisal wasaare Abiy Axmed ku Doodayaa in aan la soo farogalin dalkiisa , waxaana uu diiday Waan waan kasta oo nabadeed iyo in wadahadal lagu soo Dhameeyo xaaladaha ka taagan waqooyiga Ethiopia.
Dawladaha jaararka ayaa iyagu ah qaar  dagaalkaasi ku garab taagan Ethiopia iyo Abiy Ahmed ,  Dawlada Djibouti iyo Madaxwayne Ghuelle ayaa yidhi Abiy Axmed waxa u yaalla laba wado oo ah in uu wadahadalo la galo Tigray kuwaasi oo fursad goosi noqon kara iyo in uu Xoog ku soo celiyo midnimada Ethiopia oo uu ciqaabo kuwa kala goynaya , sida uu qorey wargeyka (Africareport ) waraysi dhinacyo badan oo uu siiyey Madaxwayne Ismail Omer Ghuelle .
Halka Somalia na ay xaaladani galaafatay wasiirkii arimaha dibeda Somalia oo go’aan dawlada Farmaajo ku taageeraysay Ethiopia ku sheegay in aanu aheyn war rasmiya oo Xukuumadeed,  dabadeedna xilkii lagaga qaadey.
Somaliland ayaan iyadu arinkaasi waxba ka odhan dawlad Ahaan isla markaana isaga gaabsatay xaaladaha dagaalka Dawlada Ethiopia iyo Gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi oo Ay maamulayeen TPLF oo dalka Ethiopia ka talinaysay 27 Sanadood iyaga iyo isbahaysigoogii EPRDF oo sanadkii 2018 kacdoon shacab talada lagagala wareegay 3;Dalka Djibouti oo ay doorashadiisa ka hadhay mudo 5 bilood ah isla markaana uu haysto Madaxwayne Ghuelle 1999 kii dalkaasi ka talinayey oo xataa inta uu dhaafay mudadii sharciga ahayd loo badelay dastuurkii dalkaasi , taasi oo ku abuurtay niyad jab dadka reer Djibouti,  iyaga oo ku nool dal aan dimuqaradi aheyn oo cabsi iyo Xoog lagu maamulo shacabkiisa .
Madaxwayne Ghuelle oo horumar badan ku talaabsaday dhinacyada kale ee dekekadaha iyo mashaariicaha dalkaasi ka socda ee la rabo shaqo abuur iyo isku filaansho ayaa mar wax laga weydiiyey tartanka ganacsiga dekedaha ee Somaliland, iyo Erateria,  dacwadii Dp world iyo arimo kale uga hadlay si jees jees ah oo aanu cidna waxba isaga tirinayn xaga ganacsiga iyo tartanka Gobolka Geeska Africa.
Ghuelle waxa kale oo uu aad ugu celceliyey in ay hoos u dhacday saboolnimada dadka dalka Djibouti 15% oo uu ku sheegay yididiilo wanaagsan walow dalka Djibouti lagu leeyahay daymo badan oo uu China ugu badan yahay aanu yahay dal aan lahayn wax soo saar kale hadana waxa uu ku adkaysanayaa in uu abuuro wax dadka Djibouti kaga maarmi karaan baahida dunida kale.
Madaxwayne Ghuelle waxa uu ku sheegay Madaxwaynaha Erateria ciilqabe aan waxba ilaawin , waxaana uu yidhi waxaa iiga digey Malez zenawi , isla markaana xidhiidhka Djibouti iyo Erateria waxa uu ku sheegay mid uu xagiisa ka dhameystiray waxii ku xidhnaa markii ay Jeddah ku kulmeen oo uu sii daayey xataa 19 maxbuus oo ay Djibouti ka haysatay Erateria.
Dhinaca kale siyaasada Madaxwayne Ghuelle iyo Dr Abiy Ahmed iyo heshiiskooda ayaa lagu saleynayaa in uu ka werwerayo in dalka Djibouti kacdoono siyaasadeed ka dhacaan taasi si uu uga badbaado waa in aan dalalka jaarka lagaga soo Duulin amaba dadka uu ugaadhsanayaa aanay u baxsan sidii Duuliyihii Fu’aad oo kale loo soo dhiibo , heshiiska ay labadan dal ku jiraan waxa uu ka hor imanayaa xeerarka iyo heshiisyada Caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.
4;Jamhuuriyada Somaliland waxa la isku haystay 3 sanadood Sidii dalkani doorasho uga dhici lahayd taasi oo ilaa maanta aan Muuqan isla markaana aan la mudeyn goorta ay doorashadu Dhacayso qaabka loo galayo,  iyo waliba xiliga ururadii Siyaasadeed ee Somaliland la furayo .
Somaliland waxa sidoo kale hoos u dhac weyn oo nololeed iyo Dhaqaale uu ku dhacay shacabka jamhuuriyada Somaliland, Taasi oo ka timid laba dhinac oo kala ah ;
B)Saameynta uu ku yeeshay xanuunka #Coronavirus oo aad u saameeyey dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland.
T) Xukuumada Madaxwayne Muuse oo dalka nidaam xidh-xidhan u maamusho dhaqaalaha dalka taasi oo sababtay in gabi ahaanba ay istaagaan ganacsiyadii iyo dhaq-dhaqaaqyadii nololeed ee magaalooyinka dalku.
Arimahani iyo nidaamka siyaasadeed ee dalka oo noqday mid istaagay markii doorashooyinkii dhici waayeen ayaa dalka waxa ku soo wajahan in aanu noqon mid degen siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba taasi oo werwer ku haysa shacabka jamhuuriyada Somaliland guud ahaan oo yaaban sida ay wax yihiin.
HALISAHA AMNI , SIYAASADEED,  NOLOLEED EE KU IMAN KARA GOBOLKA GEESKA AFRICA XILIGAN ;
Gobolku Geeska Africa isaga oo ahaa marka horeba gobolada xaga saboolnimada,  maamul xumada,  colaadaha,  tahriibka , iyo qaxootiyada ugu badan ayaa hadii maanta uu galo xaalado dagaal waxa sii badan kara dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay oo dhamaantood ku ah aduunka iyo dadka gobolkaniba khatar weyn.
Gobolka Geeska Africa waxa ku iman kara in ay arimahani Hadda taagan iyo murugyada siyaasadeed awgeed ay u soo Xoogeystaan ururada ka dagaalama gobolkani sida Al-Shabaab Iyo Al- Qaacida oo ay xaalada gobolkani noqoto mid cakiran oo Aduunka oo dhana halis ku noqon karta .
Gobolka Geeska Africa waxa saameyn xun ku yeeshay xanuunka #Corronavirus oo dhaqaalihii iyo dhaq-dhaqaaquadii nololeed Oo dhan joojiyey,  maanta hadii uu Gobolku gallay xaalado Colaadeed na waxa hubaal ah in ay dhacayso dhaqaalo daro Sababi karta macaluul baahnsan oo ka dhacda Gobolka Geeska Africa.
Waxa iyaguna taagan nidaamyadii doorashooyinka dimuqaradiyada iyo waxyaabihii keenayey in la helo dawladnimo sal adag oo ku fadhida nidaamka sharci , maamul wanaag , Huffman,  sigib tirnaan maamul iyo doorashooyin xor iyo xalaal ku dhaca, hadii arimahani la waayona waa halka ay ka bilaabmayso xaalado aan wanaagsanayn oo uu waajaho Gobolka Geeska Africa.
QALINKII;SIYAASI Muxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil.

COMMENTS
Latest News