Yoolnews.com
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Dhamaysatay Culuumta Bada Iyo Hawldeenada Dekeda oo kamid ahaa Dadka Wax la Baray…
November 18, 2020 - Written by Yool News

Berbera(Yool- Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ka qaybgalay Munaasibad Balaadhan oo ay ku qalin-jebinayaan dufcadii 6 aad ee ka aflaxda Jaamacada Badda ee Berbera.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, oo hadal kooban ka Jeediyey Munaasibada, ayaa ilahay uga baryey Ardayda baratay Culuumta Badda inay noqdaan kuwo cilmigoodu anfaco dalka iyo dadkoodaba.
Sidoo kale, waxa uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi sheegay inay Deked ahaa 27 kamid ah, Ardayda Maanta dhamaystay Waxbaraashada Jaamacada Badda kamid yihiin shaqaale-weynaha Dekeda Berbera, isla markaana ay farxad iyo guul u tahay maamul ahaan in maalinba maalinta ka dambaysa ay soo badanayaan Aqoonyahano ku xeel-dheer Cilmiga Badda.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi isagoo arrimaha ka Hadlaya waxa uu yidhi, “waxaan farxada la qaybanayaa Ardayda qiimaha badan, ee maanta Halkan ka aflaxday, aqoon la’aani waa iftiin la’aan, dunida waxay ku faanta maha Buuraha ama asadka ay leedahay ee saliida iyo macdanaha kala duwan, hase-yeeshee waxa weeye ee lagu faana aqoonta dadku leeyahay.
Maanta waxaan ku boorinayaa Arday dhamaystay Culuumta Bada inay Cilmiga ay barteen ku shaqeeyaan oo dalkooda iyo dadkoodaba ku anfacaan”.

COMMENTS
Latest News