Yoolnews.com
“Ethopia Waxay Cagta saartay Jid ay Adag tahay Dib u Noqoshadiisu…Cuqubada Ayeyna Caadadeed tahay Cida gashaa inaanay kalaba garanin Dhib iyo Dheef midka ay Geysteen”.Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
November 12, 2020 - Written by Yool News

“Anigoo rumaysan In mudadii 30-ka Sano ahayd ee Tigrey xukumaysay Ethopia dhibka laf-jabka ah ee ay ka geysteen Guud ahaan geeska iyo badhtamaha afrikada barri bulshooyinka ku dhaqan, kaaga sii darane ay yihiin kuwo moogan wixii ay geysteen, iyo in cid walba sugayso maalintii lagu dhugtami lahaa in lagaadho, Cuqubada ayeyna Caadadeed tahay Cida gashaa inaanay kalaba garanin dhib iyo dheef mid ay geysteen. Haddaba aragtida labaad ee ka ratibmaysa Dagaalka Ethopia ka socdaa ayaa muujinaysa inay Ethopia Cagta Saartay wadadii ay mareen Somalia, liibiya, dhulkii suudan laysku odhan jiray, yaman iyo kuwo kale oo badan oo Saxaada ka baxayba, wadadaas oo Sida looga soo kabtaa ay adag tahay, mar-hadii dal dagaal Sokeeye ka bilaabmo cidnaba aanay guulaysan.
Sidoo kale Aragti kale ayaa odhanaysa Aby Ahmed dhibka soo gaadhay wuxuu ka soo yimi gartii- Eexada ahayd ee uu ka sameeyey Wada hadalada Somalia iyo Somaliland oo labaduba dhex u arkayeen kalsoonina siiyeen isagoo raacay dhinaca Somalia oo dekeno badan ka gashay bulshada Somaliland ku dhaqan ,isagiina waataa lagu saliday kuwii Ethopia dekenada badan ka gaystay ee tigray.
Marka laysku soo duubo Ethopia waxay cagta saartay jid ay adag tahay dib u noqoshadiisu, oo haddaani ka horayso yacnii alow jid u bixi ah waxaana laga yaabaa dhimasho badan ka dib in ciidan Ethopia xoog ku muquuniyaan kuwa tigreyga, balse way adag tahay Sida ay uaga dambayso Dawladnimo Ethopia ah oo buuxda.
Wa bilaahi tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule.

 

 

COMMENTS
Latest News