Yoolnews.com
Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI oo Soo Dhoweyn Balaadhan u sameeyey Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga CISMAAN AF-GAAB.
October 27, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa (Yool)- Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, ayaa maanta si weyn ugu soo Dhoweeyey Caasimadda Hargeysa Guddoomiyaha Golaha dhexe Ee Xisbiga WADDANI Md Cismaan AF-GAAB oo bilihii u dambeeyey safar shaqo ugu maqnaa badiba Dalalka Qaaradda Yurub.

Garoonka Diyaaraddaha ee Caalamigaa Ee Caasimadda Hargeysa, ayey madaxda Sare Ee Xisbigu kusoo dhoweeyeen Guddoomiye Cismaan AF-GAAB, Waxaana Masuuliyiinta soo dhoweysay Hogaaminayey Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Guud, Afhayeenka Xisbiga, hogaanka Gobolka Maroodi-jeex iyo inta badan Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI.
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo dhammaan masuuliyiinta kale ee Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay Inay aad ugu faraxsan yihiin kusoo Guryo noqoshadda Dalka ee Guddoomiye Cismaan AF-GAAB, Isla markaana ay uga Mahadcelinayaan shaqooyinkii Xisbiga ee uu kasoo qabtay laamaha Dibada ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay Qaaradda Yurub.
Dhanka kale Guddoomiye Cismaan AF-GAAB oo isna hadal kooban, halkaas ka Jeediyey, ayaa uga Mahadceliyey hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI soo dhoweynta balaadhan ee ay ku qaabileen. Isagoo carabaabay inuu war-bixinno Guud uu Xisbiga ka siin doono safarkiisa iyo wixii hawlo shaqo ah ee u soo qabsoomay. 

COMMENTS
Latest News