Yoolnews.com
Ma Dhabaa In Siyaasi Qabyotire Olole Ugu Jiro Kamid Noqoshada Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Iyo Xogaha Laga Helayo Safarkiisa?
October 12, 2020 - Written by Yool News

Muqdisho(Yool)-Siyaasi Axmed Ibraahim (qabo” Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Qorshaynta Somaliland Ee Xukuumadii Axmed Siilaanyo, Kana mid ahaa xubnihii Dhawaan Loo Diiday In Ay Hogaanka Xisbiga Kulmiye Utartamaan ayaa la sheegay in Uu kamid yahay siyaasiyiinta reer somaliland oo qorshaynaya in ay kamid noqdaan baarlamaanka somaliya oo dhawaan la dooranayo.
Wararka Lagu kalsoonyahay Oo Aanu ka helayo ilo wareedyo Xogogaal ah Oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in siyaasi Qabyotire maalmihii udanbeeyay ku hawlanaa Olole uu ugu jiro kursiga Baarlamaana Somaliya isagoo ku doonayo beesha uu kasoo jeedo,
Sidoo kale xogaha Laga helayo Damaca Siyaasi Qabo ee xildhibaanada baarlamaanka somaliya ayaa intaa ku daraya in Uu qorshaynayo in dhawaan safar Qorsoodiya uu kaga Anbabaxo Caasimada hargaysa Isagoo kusii jeeda caasimada somaliya Ee Muqdisho
Dhanka kale safarka Siyaasi Qabyotire ayaa lagu wadaa in uu marka hore ku horeeyo dhinaca caasimda kenya ee nayroobi isagoo sida ilo wareedyadani xaqiijiyeen uga danle in uu lumiyo jihada rasmiga ee uu usocdo.
Xukuumada somalland ayaa dhawaan war murtiyeed kasoo saartay doorashad somaliya Iyo xubnaha magac uyaalka ah ee lagu wado in laga doorto deegaanada somaliland iyadoo qaab sharci daro ah ay umarayaan maamulka somaliya wallow ay somaliland uga digtay iyaga iyo beesha caalamkaba
Sikastaba ha ahaatee damaca siyaasi Qabyotire ee doonista baarlamaanka somaliya ayaa ka hor imanaysa qawaaniinta uyaala somaliland oo siyaasiyiinta somaliland ka mamnuucaya tagitaanka somaliya, iyadoo dhanka kale Ay samcad xumo ku noqonaysa siyaasi Axmed ibraahim qabyotire oo isagu wakhti xaadirkan kamid ah siyaasiyiinta somaliland gaar ahaan hogaamiyayaasha beesha uu kasoo jeedo oo iyadu kamid ah beelaha Somaliland ee ku suntan halgankii Gayiga somaliland lagu xoreeyay, balse hadii ay damaca siyaasi qabo uu rumoobo ay ku noqonayso bar madow oo siyaasadeed,
Wixii kasoo Kordha Xaqiiqada Warka siyaasi qabyotire kala soco wararkeena Danbe.

COMMENTS
Latest News