Yoolnews.com
“Hebeladii Ku Caan Baxay Run-Sheegnimada Sanadka Waxa Inaga Baxay, Laba Nin Oo Cul-culus”Siyaasi Cali Guray.
October 10, 2020 - Written by Yool News

“UMMAD YAHAY TIRAA KAA GEDMANE WAX ISU GEYGEYSO.

Hebeladii Ku Caan Baxay Run-sheegnimada Sanadka Waxa inaga baxay laba nin oo culculus waa Marxuum Cali Khaliif iyo Xasan Guure labadaba Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo eh. kuwii kaga mudnaa jiray madaxda sare agtoodu Ilaahay Agtiisa kagama mudnaan doonaan. Waayo been iyo khaayinnimo Ilaahay looguma dhawaado ee waa lagaga fogaadaa. Inta ummadeenna ay beenta iyo khiyaamadu fariidnimo tahay runta iyo daacadnimaduna ay nacasnimo tahay dhaqan ahaanna siyaasaddana aynu uba naqaan “been iyo khiyaamo”

In aynu meel gaadhi karno ha u fadhiyina. Ummad dadkeeda inta ugu daacadsan ee runta u sheegta dad waalan ama iska hadlayaal u taqaan waxay kala naqaystaan saw beenaalayaal khaayimiin ah uun maaha? Qaranimadoodu markaa saw ruqe ninkii lahaa dabada hayo uun maaha. Ruqe nin lihi dabada hayaa ma kaco horaa loo yidhi. Markaa waa halkii Hadraawi eh anigu waxan leeyahay UMMAD YAHAY TIRAA KAA GEDMANE WAX ISU GEYGEYSO. Allah ha u naxariisto labadoodaba geeridooda ayaan ku xasuustay hadalkan koobane.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
Latest News