Yoolnews.com
Xildhibaan Cabdilaahi Black Oo La Sheegay In Gabi Ahaanba Laga Saaray Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Xogaha Laga Helayo!
October 7, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Shirwaynihii Afraad Ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Ayaa Lasoo Gabo Gabeeyay Maalintii Shalay Ahayd Kaasi Oo Qaab ka Duwan Sidii Hore Ee Loo Ansixin Jiray Xubnaha golaha dhexe loogu Meelmariyay Shirwaynaha Kadib markii la Ansixiyay Tirada golaha dhexe, balse aan goobta laga shaacin magacyada xubnaha golaha dhexe sobobo ka yimid dhinaca hogaanka iyo khilaaf laga cabsi qabay in ay shirka ka abuurto iyadoo qaab beelaysan iyo rabitaanka gudomiyaha xisbiga lagu buuxin doono xubnaha noqonaya golaha dhexe ee xisbiga ee shanta sano,
Hadaba wararka kasoo baxay ilo ku dhow dhow gudida gacanta ku haysa liisaska xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ayaa sheegay in xubnaha laga saaray golaha dhexe ee xisbiga uu ka Mid yahay Xildhibaan Cabdilaahi Black oo kamid mudanayaasha ku abtirsada xisbi xaakimka kulmiye.
Sidoo kale xogaha laga helayo ka saarida golaha dhexe ee Xildhibaan Cabdiaahi Black ayaa sheegaya in ay sobobtay kadib markii Wasiirka Isgaadhsiinta oo ay ku isku jufo yihiin xisbigi uu siiyay xubnintii golaha dhexe umatalaysa beeshooda wallow ay labadoodu sida xeerka xisbigu dhigayo ay kusoo galayeen xilalka ay hayaan ayaa hadana sida xoguhu tibaaxeen xidlhibaanka uu xisbigu go,aamiyay in laga saaro xubinimadii golaha dhexe ee xisbiga iyadoo lala xidhiidhiyay in xildhibaanku kamid yahay shakhsiyaadka aan taageerada ku lahayn deegaanadii laga soo doortay Taasi badalkeedana loo arkay in aanu xisbiga waxba usoo kordhinayay,
Dhanka kale wararka dheeraadka ah ee laga helayo qorshaha xildhibaan Cabdilaahi Black lagaga saaray golaha dhexe ayaa tibaaxay in uu kamid ahaa xubnihi sida wayn uga soo horjeeday madaxwayne biixi wakhtigii uu halganka adag ugu jiray murashaxa xisbiga kulmiye ee uu hada madaxwaynaha ku noqday, sidaa darteedna wakhti xaadirkan madaxwaynuhu qorsheeyay in gabi ahaanba saaxada xisbiga laga saaro shakhsiyaadkii hankiisa caqabada ku ahaa iyadoo sobobta loo qariyay in golaha dhexe magacyadooda shirwaynaha laga sheegaana ay saldhig u ahayd qorshani madaxwaynuhu uu sida tooska ah uhagayo ee lagu xulayo xubnaha golaha dhexe ee xisbiga shanta sano, taasi gabi ahaanba laga sifanayo xubnaha uu xildhibaan cabdilaahi black hormuudka ka yahay.
Sikastaba ha ahaatee wararka kasoo baxaya qaabka loo xulayo golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa umuuqda mid saaxada xisbiga lagaga saarayo xubnaha aan lagu kalsoonayn oo hada ay ififaalahoodu muuqdo kuwa qorshahani ku jihaysan yahay.

COMMENTS
Latest News