Yoolnews.com
Agaasimayaasha Guud ma shaqaale dowleed baa mise waa xilal siyaasadeed?. Akhri Warbixin u Diyaariyey Suxufi Maxamed Cirro.
October 7, 2020 - Written by Yool News
Hargeysa(Yool)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayàa si toos ah uga jawaabay su’aashan sare ku xusan isagoo mawduucan laba jeer si rasmi ah uga hadlay oo kala ahaa mar uu mucaarid ahaa xiligii ay talada dalka haysay Xukuumaddii UDUB iyo mar uu ahaa Madaxweynaha Somaliland bishii December sannadkii 2018-kii oo uu hadal ka jeediyey shir loo qabtay Agaasimeyaasha Guud ee dalka, waxaannu labada jeerba ku dooday in Agaasimeyaasha Guud ay yihiin shaqaale dowladeed, mamnuucna ay ka tahay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo xisbiyada siyaasadda.
Sidoo kale, xeerka shaqaalaha dowladdu, waxa uu shaqaalaha dowladda (civil servants) ka mamnuucay inay ku dhex milmaan siyaasadda, iyadoo xeerku caddeeyey in aanay xubin ka noqon karin xisbiyada siyaasadda, waxaana muuqata in xeerka shaqaalaha dowladda iyo doodaha Madaxweyne Muuse Biixi ay is waafaqsan yihiin.
Haddaba, muqaalada iyo sawirrada laga qaaday shirweynihii 4-aad ee KULMIYE ee lagu qabtay Caasimadda Hargeysa (4 ilaa 6 October 2020), waxa ka dhex muuqday Agaasimeyaal Guud oo dhex fadhiyey Ergada Shirweynaha KULMIYE, iyagoo wata dhammaanba astaamaha iyo calaamadaha lagu yaqaan xisbiga KULMIYE.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo masuuliyiinta KULMIYE, waxa looga baahan yahay inay arrintan ka bixiyaan faahfaahin iyo iftiimin (clarification) dheeraad ah oo ah sababta ay Agaasimeyaasha Guud uga qaybgaleen shirweynaha KULMIYE. Ma waxa soo baxay sharci cusub oo u ogolaanaya Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dowladda inay ka mid noqdaan xisbiyada siyaasadda, mise sharcigaasi ma jiro ee si ilduuf sharci ah ayey arrintani u dhacday, dibna waa laga sixi doonaa? Agaasimeyaasha guud ma shaadh qabiil ama gobol ayey xidhnaayeen oo ay ku metelayeen shirweynaha oo beelahooda ayaa soo xulay? Haddii ay sidan tahay sharci noocee ah ayaa loo cuskaday? Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda ama maamulka shaqaalaha dowladdu arrintan maxay ka ogyihiin? Haddii ay dhab tahay in Agaasimayaasha Guud ay qayb ka  noqdeen shirka KULMIYE ama ay xubno ka noqdeen Golaha dhexe ee KULMIYE maxaa tallaabo ah ee ay qaadi karaan?

COMMENTS
Latest News