Yoolnews.com
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Kulan la Qaatay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden
October 2, 2020 - Written by Yool News
Sweden(Yool)- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Cirro’, oo mudooyinkii u dambeeyey ku sugnaa qaar kamid ah waddamada qaarada Yurub, ayaa kulamo la qaatay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo Gudoomiye Cirro ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
“Waxa aan maanta kulan la qaatay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden oo aanu ka wada hadalnay kaalinta ay dawladda Sweden ka qaadaneyso doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada & Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ee dhacay 2021ka, bisha May. Sida oo kale waxa aanu si qoto dheer uga sheekaysannay hannaanka ka qeybgelinta haweenka iyo Beelaha Gabooye ee doorashada” Guddomiye Cirro”Waxa aan maanta kulan la qaatay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden oo aanu ka wada hadalnay kaalinta ay dawladda Sweden ka qaadaneyso doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada & Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ee dhacay 2021ka, bisha May. Sida oo kale waxa aanu si qoto dheer uga sheekaysannay hannaanka ka qeybgelinta haweenka iyo Beelaha Gabooye ee doorashada” Guddomiye Cirro

COMMENTS
Latest News