Yoolnews.com
Ma Dhabba In Kulanka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Boqor Buurmadow Loogu Gogol-xaadhayo In Ucid laga Soo Sharaxo Siyaasi Maxamuud Xaashi…
September 21, 2020 - Written by Yool News

Dubai(Yool)-Waxa Magaalada Dubai ee dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Kulan ku dhexmaray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland.
Ma jiro war si rasmiya uga soo baxay dhinacyada kulmay, hase-yeeshee ilo wareedyo u dhow-dhow labada dhinac ayaa Shabakada Xogreebnews u sheegay in kulanka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Boqor Cismaan Buurmadow uu la xidhiidho arrimo Siyaasadeed.
Wararka la xidhiidha kulankaasi, waxay farta ku fiiqeen in boqor Buur-Madow kala Hadlay Gudoomiye Faysal inuu Xisbiga Ucid ka Iibiyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo hada ka quustay inuu kamid noqdo hoggaanka Xisbiga Kulmiye, isla markaana qaadacay inuu ka qaybgalo Shir weynaha afaraad ee Xisbiga Kulmiye.
Kulankan, ayaa la sheegay inuu noqon doono kii koowaad ee arrimaha Xisbiga Ucid iyo Musharaxnimada Siyaasi Maxamuud Xaashi ay kaga wada-hadlaan, waxana sida xoggaha lagu helay loo ballamay kulamo dambe, hase-yeeshee waxa Nuxurka ugu weyn ee Kulankaa kasoo baxay lagu Tilmaamay Sawiiro dareeno Siyaasadeed laga leeyahay, isla markaana loo dirayo Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee dhowaan furmi doonaa.
Sidoo kale waxa xusid mudan, Sawiirada labada oday ee Dubai ku kulmay ay baraha Bulshada ku faafinayeen ashkhaas taageerayaal daacad u ah Siyaasi Maxamuud Xaashi.
La soco wixii kasoo Kordha kulamadaas.

COMMENTS
Latest News