Yoolnews.com
Wakiilada Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Al Arabiya Ee Hargaysa Oo Bilaabay Abaabulka Dad Xukuumada Ku Dhaliila Joojintooda Iyo Ujeedooyinka Ku lamaan!
September 19, 2020 - Written by Yool News

HARGAYSA(Yool-Wakiilada Hargaysa Ujooga Shirkadaha Diyaaradaha Ee Fly Dubai Iyo Al carabiya Oo Markii ay Uhoogaansameen Awaamiirtii Dawlada Muqdisho Ku Joojisay Isku socodka Duulimaadyada diyaaradaha, Ay Xukuumada somaliland ka Mamnuucday in ay dalka yimaadaan.

Hadaba waxaa maalmihii Udanbeeyay bilaabay abaabul Dad ka hadla arimaha diyaaradahan Wakiilada labadan shirkadood ujoogay Somaliland iyadoo qaarkamid ah Xafiisyada Travel Ageniska ee tigidha  diyaaradaha jara Ee magaalada hargaysa ay  sheegeen in xayiraada laba diyaaradood ay ku shaqo waayeen dhalinyaro faro badan oo reer Somaliland.

 

Sidoo kale Wakiilada laba shirkadood ayaa soo abaabulay shir jaraa,id oo magaalada hargaysa ay ku qabteen Qaarkamid ah dhalinyarada beesha bariga burco oo iyagu si cad usheegay in labadan shirkadood uu madaxwayne biixi ujoojiyay dagaal uu kula jiro beesha habar jeclo.

Dhanka kale waxaa xariyaada labadan diyaaradood ka hadlay xildhibaan nac nac oo kamid ah golaha wakiilada kaasi oo isna madaxwaynaha ka dalbaday in uu ka qaado xayiraada.

Hadaba abaabulka wakiilada shirkadaha iyo kicinta shacab ee ay bilaabeen ayaa noqotay mid shacabka reer somalland si dhow ula socdaan taasi oo ay  ka dhalatay su,aalo badan oo bulshada iswaydiinayaan.

Shirkadaha fly Dubai iyo Al carabiya ayaa ah shirkado ay leeyihiin dawladaha Emaraadku kuwaasi oo dalka ay ku shaqeeyaan  dalab ka yimaado dhinaca dalkooda iyagoo la xidhiidha dalka ay doonayaan in ay tagaan diyaaradahoogu,

dawladaha iska leh shirkadaha diyaaradaha fly dubai iyo alcarabiya majiraan wax  xidhiidh ay oo ay lasoo samaysay wasaarada arimaha dibada ee somaliland?mana jiro codsi soo gaadhay xukumada Somaliland sida aynu ku hayno xogta laga helayo.

Hadaba Fly dubai iyo al carabiya ayaa hesiishkii ay somaliland kaga hawlgali jirteen ahaa mid ogolaanshihiisa ka haysatay haayadaha duulista ee somaliya,  hadana balse ay ka shaqaysay Somaliland,

Marka arinta diyaaradaha fly dubai iyo Al carabiya Uu yahay sidan aynu kor kusoo xusnay muxuu noqonayaa abaabulka iyo kicinka ka dhanka ah xukuumada ee ay wadaan masuuliyada hargaysa ee labada shirkadood?

Fly dubai iyo alcarabiya hadii ay heshiiska ay somaliland kaga shaqyanayeen ee ay lasoo galeen  wasaarada duulista ee somaliya kaasi oo ay duulimaayadooda hargaysana ay kaasi uun kaga shaqaynayeen una  usuurto galisay xukuumadii axmed siilaanyo gaar ahaan wasiirkii duulista iyo hawada ee xukuumada siilaanyo maxamuud xaashi oo sida xogohu sheegeen qayb ka ah wakiilada shirkadahan, wallow xukuumada madaxwayne bixi joojisay heshiishkaa kadib markii ay fuliyeen awaamiirta maamulka somaliya

Dhanka kale labadan shirkadood oo iyagu uhogaansamay amarkii xayiraada ah ee somaliya ayaanay wali jirin wax raali galin ah oo Somaliland kasiiyeen talaabooyinkaasi ay hore qaadeen mana jirto codsi ay ku dalabanayaan heshiish ay la gasho haayada duulista iyo hawada ee somaliland si ay uga hawlasho Somaliland.

Abaabulka dadka ka hadlaya arimaha shirkadan oo magaalada hargaysa sedexdiii maalmood ee ugu danbeeyay ay wadeen wakiilada laba shirkadood kaasi oo dhaqaale badan ku bixiyeen ayaa umuuqda mid ay ku damacsan yihiin sidii ay xukuumada madaxwayne biixi iyo shacabka reer Somaliland qaarkood ay iskaga horkeeni lahaayeen iyagoo ubaabulaya qaab qabiil kuwaasi oo warbaahinta fariimo usoo maray xukuumada

Halka xafiisyada Qaarkamid ah xafiisyada iibiya tigidha diyaaradaha ee magaalada hargaysa iyo wakiilada shirkadahani ay iyaguna  madaxwayne  ka codsadeen  in uu fasaxo shirkadaha si ay Somaliland ga hawlgalaan.

Talaabooyinkan ay bilaabeen abaabulkooda wakiilada labada shirkadood ee aan kor kusoo sheegay ayaa umuuqda kicin iyo dagaal ay ku qaadayaan xukuumadu iyada oo aan lagaran karin waxa ay ka tarayso  ogolaanshaha shirkadahani in ay yimaadaan Somaliland,wallow abaabulka wakiilada labadan shirkadood dadka qaar ay laxidhiidhiyeen uu kamid yahay dagaal dhinaca siyaasada oo siyaasi maxamuud xaashi  dabada ka wado isagoo uga danle sidii uu iskaga horkeeni lahaa xukuumada iyo gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo oo iyagu wakiilo ka ahaa labadan shirkadood Fly Dubai iyo Al Carabiya

COMMENTS
Latest News