Yoolnews.com
“Taladeenu Ha Dhaafato Taiwan Baanu Xidhiidh La Yeelanay Oo Xukuumaddu Ha Ballaadhiso Xidhiidhka Arrimaha Dibedda”Siyaasi Rashiid.
September 17, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa (Yool) – Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ayaa Xukuumadda ugu baaqay in aanay qiil iyo talo ka dhigan xidhiidhka Taiwan ee ay balaadhiiso xidhiidhkeeda Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka ay la leedahay Beesha Caalamka.
Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf, ayaa sidoo kale ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, baaqna u diray Shacabka reer Somaliland “Taiwan, waa waddan aan weli la ictiraafin sida dalkeena oo kale, inkasta oo uu Tiknoolijiyadda uu horumar ka gaadhay, inaynu xidhiidh yeelana waa mid loo baahnaa oo muhiim inoo ah, laakiin taladeenu ha dhaafato Taiwan baanu xidhiidh la yeelanay oo Xukuumaddu ha balaadhiso siyaasadeeda arrimaha dibedda oo Beesha Caalamka xidhiidh ballaadhan oo dhinaca kasta ah ha la yeelato”
Mar uu ka hadlayey Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Xisbi waliba Shirweyne ayuu qabsadaa, laakiin Shirweynaha Xisbiga Kulmiye aad baa loo hadal hayaa, waxaana si gaar ah loo hadal hayaa kursiga ay isku haystaan Wasiirka Ganacsiga iyo Madaxweyne ku xigeenka, kolay Madaxweyne ku xigeenku waa waayo-arag, sidaas darteed Madaxweyne ku-xixgeenka waxaa la gudboon sida aynu hadda wax u arkayno inuu Shirweynaha kaba joogo, inuu tanaasulo iyo inuu calafkiisa qaado oo uu tartamo, waxaa kale oo la gudboon in intaas ka horeeysa Shirweynaha inay heshiis gaadhan Wasiirka Ganacsiga iyo Madaxweyne ku-xigeenku”.
Dhanka kale wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyada ilaaliyaan,oo ka dheeradaan wax kasta oo nabadgalyada khatar ku ah.

COMMENTS
Latest News