Yoolnews.com
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Ucid oo Geeriyooday…
September 16, 2020 - Written by Yool News

TACSI Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, asxaabta, Xisbiga UCID iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof Qaasim Sh Ibraahim Tubeec oo caawa ku geeriyooday magaalada Boorama.

Guddoomiyuhu wuxuu Marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa addoon wanaagsan oo samo-talis ah, islamarkaana muddadii uu xisbiga WADDANI ka mid ahaa iyo hadda oo uu ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID ku astaysna masuul hawl kar ah oo hufnaan iyo shaqo wanaag ku sifoobay.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

COMMENTS
Latest News