Yoolnews.com
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax iyo Masuuliyiinta Baanka BCIMR ee Jabuuti oo Kulan la Qaatay Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland…
September 2, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo hor-kacaya Masuuliyiinta ugu saraysa Banka BCIMR ee Jabuuti, ayaa Kulan la qaatay Masuuliyiinta Baanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid Xog-ogaal u noqosho, ayaa waxa Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Masuuliyiinta Baanka BCIMR ee Jabuuti, si weyn u qaabilay, Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Md. Cali Baqdaadi iyo Agaasimaha Baanka dhexe Axmed Carwo.
Xubnaha waftiga ee Safiirku hoggaaminayey, ayaa si weyn ula dhacay horumarka ganacsi ee ka jira Somaliland, waxanay balan qaadeen inay Balaadhan doonaan adeegooda Bankoodu qabto,isla markaana Somaliland ay ka furan doonaan Xarun, iyagoo soo buuxinaya shuruudaha iyo xeerarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland u yaala ee xaga ganacsiga Banaanka.
Kulanka waxa bartiisa Facebook Facebook soo warbixiyey Agaasimaha guud ee Baanka Somaliland Md. Axmed Carwo. Waxanu u dhigan yahay qoraalkiisu sidan.
“‪Waxaan aniga iyo Guddoomiyahu la kulanay wafdi ka socda Banka BCIMR ee Jabuuti oo uu weheliyo Amb Abdifatah. Waxaanu ka wadahadalnay sidii ay u ballaadhin lahaayeen una xoojin lahaayeen xidhiidhka baanki ee Somaliland. Wafdigu waxuu aad ula dhacay jawiga ganacsiga iyo hal abuurka dhaqaale ee dalka, waxayna ku nuuxnuuxsadeen inay sida ugu dhakhso badan u ballaadhin doonaan hawlaha Baanki, iyaga oo waxuu shuruuc iyo nidaam ah soo buuxin doono. Anaguna waxaanu u ballan qaadnay inaanu u dedejin doono fulinteeda si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka dalka iyo Baanka Dhexeba u yaala.
I, and Governor received delegation from BCIMR led by CEO Mr. Regis Barriac. We discussed all aspects of potential business opportunities in Somaliland. The delegation were excited with the business and entrepreneurial climate in Somaliland and expressed their commitment to enhance their presence soon.‬ From our side, we assured our full cooperation to expedite and simplify all necessary regulations in need. #Somaliland”

COMMENTS
Latest News