Yoolnews.com
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Koomishanka Doorashooyinka ku Hambalyey Bilaabista Diiwaangelinta Codbixiyaasha…
August 30, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Cirro’, ayaa Koomishanka Doorashooyinka ku Hambalyey bilaabista Diiwaangelinta Codbixiyaasha oo arbacada 2 Bisha ka bilaabmi doonta Gobolada Daadmadheed iyo Hawd.
Sidaasna waxa uu Gudooomiyuhuu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan.
“Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbixiyeyaasha oo tijaabo ah”.

COMMENTS
Latest News