Yoolnews.com
Xisbiga KULMIYE oo Cayimay Waqtiga uu Qabsoomayo Shirweynihiisu…
August 3, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Guddida qabanqaabada shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ku dhawaaqay waqtiga rasmiga ah ee qabsoomi doono shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo hore xaaladda xanuunka Covid-19 awgiis dib loogu dhigay.

Guddoomiyaha guddida qabanqaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE,  Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ay hareero joogaan xubnaha kale ee qabanqaabadu, ayaa shaaciyey in horraanta bisha October (Tobnaad) ee sannadkan 2020-ka, gaar ahaan maalmaha Afraad, shanaad iyo lixaad ee isla bishaas uu shirweynuhu ka qabsoomi doono magaalada Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay Ergooyinka kala duwan ee ka imanaya gobollada iyo degmooyinka dalka, xubnaha xisbiga iyo golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inay u diyaar garoobaan shirkaas la muddeeyey waqtiga rasmiga ah ee uu qabsoomayo.

COMMENTS
Latest News