Yoolnews.com
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax oo Shucuubta Islaamka iyo Shacabka Somaliland, Jabuuti iyo Shaqaalaha Safaarada u Diray Hambalyada Munaasibada Ciidul Adxa…
July 30, 2020 - Written by Yool News
Jabuuti(Yool)-Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan uu dirayaa Hambalyada Munaasibada qaaliga ah ee Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1441-ka oo maalinta berri ah ku beegan.
Waxa kaloo uu Safiirku Hambalyada Ciidul Adxa u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka, Xukuumada Somaliland, golayaasha Qaranka iyo weliba Asxaabta.
Sidoo kale, waxa uu Hambalyada Ciidul Adxa dirayaa Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland meel kastoo ay joogaan, iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti waxanu leeyahay Sanaadkan sanaadkiisa ku gaadha bash-bash iyo barwaaqo, Ilahay ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee Maalmahan khayrka badan.
Gabogabadii Waxa kaloo uu Safiir Cabdifatax Siciid Axmed Hambalyada Farxada Ciidul Adxa la wadaagayaa Shaqalaha Safaarada Somaliland ee Jabuuti, meel kasta oo ay joogaan, Xasaaskooda iyo Caruurahoodaba. Waxanu u rajeeyey in Ilahay nabad-qab,Caafimaad iyo Horumar ku gaadhsiiyo Ciida dambe.

COMMENTS
Latest News