Yoolnews.com
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Hambalyada Ciidul Adxa u diray Madaxda Qaranka, Shacabka iyo Shaqaale-weynaha Dekedaha Somaliland….
July 30, 2020 - Written by Yool News
Berbera(Yool)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan uu dirayaa Hambalyada Munaasibada qaaliga ah ee
Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1441-ka oo maalinta berri ah ku beegan.
Waxa kaloo uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi Hambalyada Ciidul Adxa u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka, Xukuumada Somaliland, golayaasha Qaranka iyo weliba Asxaabta.
Sidoo kale, waxa uu Hambalyada Ciidul Adxa dirayaa Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland meel kastoo ay joogaan, waxanu leeyahay Sanaadkan sanaadkiisa ku gaadha bash-bash iyo barwaaqo, Ilahay ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee Maalmahan khayrka badan.
Waxa kaloo uu Maareeyuhuu Hambalyada Farxada Ciidul Adxa la wadaagayaa Shaqale-weynaha Dekeda Berbera meel kastoo ay joogaan, Xasaaskooda iyo Caruurahoodaba. Waxanu u rajeeyey in Ilahay nabad-qab,Caafimaad iyo Horumar ku gaadhsiiyo Ciida dambe.

COMMENTS
Latest News