Yoolnews.com
Toddobadii Ra’iisul Wasaare ee ugu dambeyay iyo sida ay xilka uga tageen
July 28, 2020 - Written by Yool News

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa Soomaaliya soo maray toddobo ra’iisul wasaare iyo seddax madaxweyne.

Haddaba waxaan eegeynaa sida ay Ra’iisul Wasaare yaashaas ku yimaadeen iyo sidii ay xilka uga tageen:

1- Cumdar Cabdirashi Cali Sharmarke

Ka dib markii Sheekh Shariif lagu doortay shirkii Jabuuti ee 2009-kii, wuxuu Bishii February ee isla sannadkii magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay dalka Jabuuti ku wada sugaayeen.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda, waxay magacaabistaa ka muujiyeen rajo wayn, iyadoo loo arkayay in dowladdii Kumeelgaarka ahayd ay taageero ka heli karto Soomaalida gudaha dalka kusugan iyo qurba joogta.

Wuxuu ahaa qof siyaasadda Soomaaliya aan si wayn galangal ugu lahayn ka hor intii aan xilkaa loo magacaabay, waxayna ahayd xilli dowladda ay dagaal adag kala kulmeysay kooxo muqaawamo ahaa iyo Al-Shabaab oo qeybo badan oo Muqdisho ah haysatay.

ishii February 14-keedii, Baarlamaankii ku meelgaarka ahaa ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabiddii Cumar Cabdirashiid. Waxaa taageertay 414 Xildhibaan, 9 way ka soo horjeesatay, halka labana ay ka aamustay.

Balse, bilihii April iyo May ee 2010-kii ayuu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeyay madaxdii dowladda gaar ahaan Cumar Cabdirashiid iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xilligaas, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Khilaafkaas wuxuu sababay in Baarlamaanka ay mooshin ka keenaan Aadan Madoobe oo xilka iska casilay markii dambe.

Inkastoo Tallaabadaas Baarlamaanka ay dhacday, oo la filayay in khilaafka uu halkaa ku dhamaado, waxaa soo baxay warar ahaa in madaxweynihii xilligaas, Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu doonayay inuu isbedel ku sameeyo xukuumadda oo dhan, meeshana uu ka saaro Cumar Cabdirashiid.

Khilaafka markii uu curyaamiyay howlihii dowladda, ayey beesha Caalamka iyo urur goboleedka IGAD billaabeen in dhinacyada ay ugu baaqaan in ay ka fogaadaan wax kastoo dhib ku ah geedi socodka dowladda ayna ka wadahadlaan xaaladda jirto.

Balse, ka dib markii la is afgaran waayay, waxaa jiray warar ahaa in Sheekh Shariif uu isku deyay in Cumar Cabdirashiid uu ku qanciyo inuu is casilo, si uu ra’iisul Wasaare kale u soo magacaabo.

Arrimihii ugu waaweynee ee ay isku hayeen waxaa ka mid ahaa sameynta dastuur qabyo qoraal ah iyo sida loo diyaarinayo.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu dambeyn, dhammaadkii bishii September 2010-kii, iska casilay xilkii Ra’iisul Wsaare ee uu hayay.

2- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Bishii October 14-keedii, sannadki 2010-kii ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna badalay Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

30-kii Bishii October, barlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixyay magacaabista Farmaajo.

Kontonkii maalmood ee ugu horeysay ee xafiiska ra’iisulwasaarah uu ka shaqeynayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku guuleystay bixinta mushaaraadka ciidamda iyo shaqaalaha dowlada.

Dhanka dagaalka, Xukuumadii cusbeyd ee Farmaajo iyo ciidamada AMISOM waxay hanteen boqokiiba lixdan caasimada Muqdisho, iyagoo oo ka saaray dagaalyahannadii Al-Shabaab.

Hase ahaate dhowr bilood ka dib waxaa soo baxay khilaaf u dhaxeeyay Farmaajo, Sheekh Shariif iyo gudoomiyihii baarlamaankii, Shariif Xasan Sheekh Adan, oo salka ku hayay qabashadii doorashadii 2011-kii.

Khilaafkaas si loo xalliyo, waxaa shir ku casuumay madaxweynaha Uganda, Yuweri Mseveni, kaas oo sababtay in uu xilkii Ra’iisul Wasaaraha iskacasilo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 19-kii bishii June 2011-kii.

Farmaajo ayaa khudbadii uu xilka uga degayay ku sheegay in uu go’aankaasi u qaatay danta dalka iyo dadka awgeed.

Heshiiskii Kampala oo ahaa mid muran dhaliyay ayaa sidoo kale ogolaanayay in madaxweynaha, guddonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada ay muddo sannad ah xilka ku darsadaan.

Ka dib waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa golihii wasiirada ee xukuummaddii Farmaajo.

3- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumaddii Farmaajo, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayuu Sheekh Shariif u magacaabay xilkii Ra’iisul Wasaarah, 23-kii June ee 2011, waxayna Baarlamaankii ku meelgaarka ahaa ku ansixiyeen si aqlabiyad ah, 28-dii isla bishaas.

Xukuummaddii Gaas waxay ahayd middii dejisay qaabkii ay u dhacday doorashadii bishii 2012-kii, taas oo looga gudbay xilligii kumeelgaarka ahaa, waxaana loo wareegay maamul joogto oo dimuquraadi ah.

Shirarkii Garowe-1 iyo Garowe-2 ayaa la qabtay oo lagu diyaariyay doorashada waxaana wax looga badalay dastuurka qabyo qoraalka ah.

Horraantii bishii August ee 2012, wuxuu Cabdiweli Gaas shaaciyay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha. Wuxuuna la tartamay madaxweynihii uu ra’iisul wasaaraha u ahaa, Sheekh Shariif.

Gaas wuxuu ka mid ahaa afartii musharrax ee u gudubtay wareeggii labaad ee codeyntii baarlamaanka ee 10-kii bishii September, 2012.

Cabdiweli Gaas ayaa kaalinta labaad ka galay doorashadaas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud. Muddo xileedkaa Ra’iisul Wasaare ee Gaas ayaa dhammaaday 6 October 2012, xilligaas oo ra’iisul wasaarihii cusbaa ee Xasan Sheekh uu magacaabay, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu xilka la wareegay.

4- Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud markii uu maamulka Villa Somalia la wareegay, wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Xilligii uu codka kalsoonida weydiisanayay baarlamaanka, wuxuu Saacid sheegay in uu soo dhisayo gole wasiiro oo howlkar ah iyo in uusan u dulqaadan doonin musuqmaasuqa.

17-kii isla bishaas, Xildhibaannada waxay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah. Waxaa kalsoonida siiyay 215 xildhibaan oo ka mid ahaa 275-tii mudane ee baarlamaanka uu ka koobnaa.

Balse sannad ka dib markii xilka loo magacaabay Saacid, waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeyay isaga iyo madaxweynaha oo ka dhashay isku shaandheyn uu ku sameyn rabay golihii wasiirada.

Khilaafkii labada masuul ayaa banaanka u soo baxay bishii November 2013-kii, waxayna isla aadeen baarlamaanka oo mooshinno iska soo horjeeday loo gudbiyay.

Mooshinkii ka dhanka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u gudbay baarlamaanka waxaana la isku raacay in laga doodo, balse qeylo iyo buuq aawadii ayaa shirkii loo xiray, 24-kii November.

Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn kalsoonida kala laabtay Saacid, 2-dii Bishii December, 2013-kii. Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ka niyadjabay baarlamaanka ka dib markii loo diiday “inuu ka hor hadlo”.

Waxaa jiray arrimo la xiriiray in baarlamaanka aysan waddadii saxda ahayd u marin xil ka qaadista Saacid, iyadoo xubihii beesha caalamka ee xilligaas ay ku taliyeen in shuruucda iyo xeerarka loo hoogaasamo.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa 12 December 2013-kii, loo magacaabay xilkii Ra’iisul Wasaaraha ee Cabdi Faarax Shirdoon uu banneeyay.

5- Cabdiweli Sheekh Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay ra’iisul wasaarihii labaad ee dowladdiisa, wuxuuna ka dhigay Cabdiweli Sheekh Axmed oo baarlamaanka ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen 21-kii December 2013-kii.

Siyaasiyiintii Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay magacaabistaas iyo golihii wasiirada ee xukuummaddii Cabdiweli.

Balse ku dhowaad sannad ka dib markii xilka uu la wareegay, bilihii October iyo November, 2014-kii, waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafkaas wuxuu markale ka dhashay isku shaandheyn uu ra’iisul wasaaraha doonayay in uu ku sameeyay golihii wasiirada, waxaana lagu eedeeyay in uusan madaxweynaha la tashan.

Dhexdhexaadin ay isku deyeen siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa fashilmay, waxaana dhashay in baarlamaanka la isla aado. Ka dib waxaa bilowday kulamo kala gaargaar ah oo lala yeelanayay xildhibaannada, iyadoo suuragal ay ahayd in mooshin la gudbiyo.

Mooshinkaas ayaa ugu dambey gaaray baarlamaanka, waxaana dhowr goor la isku khilaafay xilliga laga doodayo codkana loo qaadayo.

Ka dib waxaa soo baxay wasiirro ka tirsanaa xukuummaddii Cabdiweli Sheekh Axmed oo Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday inuu iska casilo xilka isagoo dhowraya danaha dalka.

Horraantii bishii December ee 2014-kii, ayey baarlamaanka u qaadeen codka kalsooni kala noqosho oo ka dhan ahaa Ra’iisul Wasaaraha. 153 xildhibaan ayaa u codeynsay arrintaas, 80-na way diiday. Taasna waxay soo afjartay xilligii shaqo ee Cabdiweli Sheekh Axmed ee xukuumadda.

17-kii isla bishaas ee 2014, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dowladdii Sheekh Shariif na ka soo noqday Ra’iisul Wasaare.

6- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo mar labaad soo noqday

Wuxuu ahaa ra’iisul wasaaraha keli ah ee mar labaad xilka ku soo noqday. Wuxuu markii labaad xilka kala wareegay Cabdiweli Sheekh Axmed oo mooshin xilka looga qaaday.

Khudbadii uu jeediyay, ka dib markii xilka loo magacaabay, Cumar Cabdirashiid wuxuu ku sheegay in uu dhisayo gole wasiiro oo dalka gaarsiiya arrimihii la hiigsanayay.

Illaa 218 xildhibaan ayaa codka kalsooni siiyay, waxaana soo dhoweeyay siyaasiyiin iyo beesha caalamka.

Cumar Cabdirashiid xukuummadiisii ayaa dalka ku hoggaamisay doorasho waqtigeeda ka dib dhacday illaa 5 bilood, wuxuuna soo dhisay Aqablka sare markii ugu horeysay.

Sidoo kale, waxay dowladdii uu ka tirsanaa, markii ugu horeysay, dalka ka qabatay codeyn ay ka qeybgaleen odeyaal iyo dhallinyaro oo lagu soo doortay baarlamaanka hadda jira.

Wuxuu xilka ku wareejiyay Xasan Cali Khayre, bishii March, 2017-kii, ka dib markii Farmaajo uu xilka madaxweynaha kaga guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud.

7- Xasan Cali Khayre

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 23-kii February xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Khayre. Waxay ahayd maalin ka dib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyay.

Khayre horey uma soo qaban xil siyaasadeed, balse wuxuu ahaa ganacsade iyo qof ka soo shaqeeyay arrimaha gargaarka Soomaaliya.

Wuxuu codka kalsooni ah ka helay 231 xildhibaan, 1-dii bishii March ee 2017-kii. Golihiisii Wasiiradana waxaa la ansixiyay 21-kii isla bishaas.

Muddadii uu xilka hayay, isaga iyo madaxweynaha waxay ahaayeen laba qof oo si wayn isula soo shaqeysa, waxayna ku celcelin jireen in muddo xileedka dowladda ay isla dhameysan doonaan.

Khayre wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya soo samara 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Arrimaha uu wax ka qabtay waxaa ka mid ah diiwaangelinta ciidamada. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday la dagallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo dhaqaalaha iyo dardargeklinta shaqooyiinka dowladda.

Balse, dadka ka faallooda arrimaha siyaasadad waxay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay ku kala aragti duwanaayeen qabashada doorashada, oo hadda waqti kooban uu ka dhiman yahay.

Labada masuul ayaa ka qeybgalay shirkii Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen madaxda maamul Goboleedyada kaas oo looga hadlay in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

Balse, maalmo ka dib shirkaas, 25-kii bishan July, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay mooshin aan horey loo sii shaacin, taas oo muran iyo buuq ka dhex dhalisay xarunta baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay xil ka qaadista Khayre taas oo madaxweynaha uu aqbalay isla markiiba.

Balse Xasan Cali Khayre oo sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray codeynta ayaa sheegay inuu si iskiis ah xilka isaga casilay, “isagoo u turaya dalka”.

COMMENTS
Latest News