Yoolnews.com
Muxuu Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ka Aaminsan Yahay Saluugga Saami Qaybsiga Beeshiisu Inta Badan Kaga Cabato Awoodda Dalka?
July 28, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa, (Yool)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka hadlay muranka saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland, wuxuuna sheegay inay jirto tabashadaasi, isla markaana ay muuqato in dawadeedii laga war-wareegayo.

Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo Beesha uu dhalashi ahaan ka soo jeedaa ka mid tahay beelaha sida weyn uga qaylinaya caddaaladda saami qaybsiga ee Kuraasta dalka gaar ahaan Golaha wakiilada ayaa sheegay in tabashada saami-qaybsiga aanay ku koobnay reer Awdal oo qudha, balse ay beelaha barigu la qabaan, waxaanu sheegay in aanay is qabanay in la yidhaahdo Qaranka hala wada yeesho, isla markaana ay Beesha dhexe ay awooddii oo dhan qaadato.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidaasi ku sheegay mar uu dhawaan u warramay Telefiishanka Universal, ayaa sheegay in Tabashada reer Awdal u badan tahay ta Golaha Wakiillada. “Cabashada ugu badan ee reer Awdal waa Golaha Wakiillada Saamiga ay ku leeyihiin, kaasina maaha wax Madaxweyne uu keligii Qalin ku beddeli karo. Lixdankii waxay Beesha dhexe lahayd saddex Dalooloow 2, beelaha kale oo dhana saddex Dalooloo 1 ayay lahaayeen iyo Qaranka ha la wada yeesho (Maanta) isma qabanayso, markaa Tabashadaas ayaa jirta, taana waxaad mooddaa in Dawadeedii laga war-wareegayo, Maalinta doorashadana uun la soo qaato oo Cid walba ku dagaalanto.” Ayuu yidhi. Waxaanu intaa sii raaciyey in Beelaha Gobollada bariga laftooda Tabashada ay qabaan la mid tahay ta reer Awdal “Bariga laftiisuna wuxuu dareensan yahay arrintaa Lixdankii ku fadhida. Lixdankii Maalintii la tagay haddii la eego Dadka kale Saddex Dalooloow hal ayuu ahaa oo halkaa ayuu fadhiyey, laakiin Beeshii dhexe 2-deedii way haysataa (Imika).”ayuu yidhi.

Dhanka kalena Madaxweyn ku-xigaanka ayaa sheegay in saamiga xilalka xukuumadda ay beelaha darafyadda iyo beesha dhexe ay sinnaayeen, balse hadda aan lagu dhaqmin ee lixdankii qaybo laga soo qaato, waxaanu ku taliyey haddii saamigii lixdankii la wada qaadanayo in la soo wada qaato “Wakhtigaa markii Xukuumadda la qaybsaday waalla is leekaa, laba darafyada ah iyo mid ta dhexe ah ayay ahaayeen, tii Maanta lama soo qaado, Waayo? Xukuumaddii waxaad mooddaa in saddex Dalooloow 2 uun lagu fadhiisanayo (Xilalka), markaa haddii Lixdankii la wada qaadanayo ha la wada qaato oo Dadka ha lagu Raalli-geliyo oo lagu soo dhaweeyo Dadkii Dadkan wada lahaa. “

Geesta kale Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ku taliyey haddii la xalin kari waayo arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, in xagga saami-qaybsiga xilalka Xukuumadda laga xaliyo oo uu sheegay in aad loo kale fog yahay “Aniguna waxaan qabaa haddii aan la xallin karayn (Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada) in sidii kale ee loo xalliyo oo Xukuumaddii la isku soo dhawaado oo iminka aad loo kala fog yahay.”Ayuu yidhi.

COMMENTS
Latest News