Yoolnews.com
Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur Oo Bulshada U Digay Iibka Dhismayaal Dhaxal Ah Oo Ay Ku Leeyihiin Magaalada Hargaysa +Sobobta!
July 28, 2020 - Written by Yool News

HARGAYSA(Yool)-Naasir Cabdilaahi Nuur Oo Katirsan Qoyska Ilma Cabdilaahi Nuur Ee ku kala sugan dunida dacaladeeda  ayaa Bulshada Reer Somaliland, Laamaha Dawlada Iyo Nootaayooyinka Sharci Ku Wargaliyay In Aan La Iibsan Karin, Sifo kale Aan looga badali Karin Dhismayaasha Dhaxalka ah Ee ay ku leeyihiin Qoyskoodu Ku leeyihiin magaalada hargaysa gaar Ahaan  Sakada Jameeco Wayn Spare Parts Dhiniciisa, iyo dayrka idaacada kaga beegan koonfur galbeed hadana qayb kamid ah ay jirto super data   kuwaasi oo Aan Wali Qoyska Ilma Cabdilaahi Nuur Qaybsanin dhaxalkiisa Wakhtigana ay ku kala maqan yihiin  dalka dibadiisa heshiisna aanay ku ahayn Iibkiisa.,

Hadaba Naasir Cabdilaahi Nuur oo Ah muwaadin reer jabuuti ah ayaa wuxuu shacabka reer Somaliland ka codsanayaa in ay ka foojinaadaan iibka dhismayaashaa aan kor ku soo sheegnay.

 

??

Wuxuna yidhi “Waxaan shacabka reer Somaliland iyo nootaayooyinka sharci,haayadaha dawlada ku wargalinayaa in Aan Dhismayaasha dhaxalka ah  reer cabdilaahi Nuur ee ku kala yaala badhtamaha suuqa iyo idaacada koonfurteeda aan la iibinayayn islamarkaana aanay jirin cid awood uleh oo iibin kartaa, maadama aan wali qoys ahaan aanaanu  dhaxalka uqaybsanin lagu heshiinin in cid gaar ahi iibiso, waxaan uga digaynaa cidii isku dayda in ay iibsadaan in ay sharci daro tahay islamarkaana cidkasta oo ku gargaarta talaabadaasi ay kala kulmi doonto cawaaqib xumo iyadoo ka hor imanaysa nidaamka ay diinteedu jidaysay ee dhaxal qaybsiga islamarkaana aanay jirin cid awood iyo sharci uhaysata iibintooda,

“Waxaan qoys Ahaan la socodsiinaysaa cidkasta oo ay khusayso in ay ka digtoonaadaan iibka dhismayaashaasi dhaxalka ah” Ayuu yidhi Naasir cabdilaahi Nuur oo wakiil ka ah qoyska ilma cabdilaahi Nuur.

Wasaarada Cadaalada Somaliland Ayaa Dhawaaan wareegto ay soo saartay xafiisyada Nootaayooyinka Somaliland uga digtay iibinta dhulka dawlada kuwaasi oo la faray cidii lagu qabto in laga qaadi doono talaabo sharci waafaqsan, ayaa dhanka kale kusoo beegmaysa xili muwaadiniin reer Somaliland qaarkood cabasho xoogan ka muujiyanayaa iibinta hanti dhaxalka ah oo Aan qoyskii wada lahaa wali qaybsanin dhaxalkooda oo ay kala iibiyaan qaarkamid nootaayooyinka sharci ee magaalada Hargaysa taasi oo dacwadaha ka taagani ay buux dhaafiyeen Maxkamadaha dalka kuwaasi oo horseedi kara khatar abni daro amaba isku dhac qoyska wax wada leh laftooda sobobi karta hadana ay jiraan dad walaalo ah oo isku dacwaynaya hantidii ay wada lahaayeen oo mid kamid ahi uu sifo khaldan ku iibiyay waana arimaha ubaahan in wasaarada cadaalada iyo maxkamadaha dalku waxka qabtaan.

COMMENTS
Latest News