Yoolnews.com
Madaxweynayaashii Hore Ee Somaliland Maxay Ka Aaminsanaayeen Qaddiyada Muranka Saami Qaybsiga Iyo Tabashooyinka Beelaha Darafyada?
July 28, 2020 - Written by Yool News

 

Hargeysa (Yool)- Madaxweynayaashii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa siyaabo kale duwan uga haddlay qaabka lagu xallin karro tabashooyinka beelaha darafyadda Somaliland iyo arrimaha uu muranku ka taagan yahay hadda ee saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada Somaliland.

Beelaha ku dhaqan Galbeedka iyo Bariga dalka gaar ahaana gobolka Awdal, ayaa inta badan Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Xisbiga KULMIYE ku eedeeya inay beesha dhaxe u sad-buriyeen, isla markaana ay xilalka dowladda kuwa ugu shilis lagu taxo beeshaas, halka beelaha darafyadda la siiyey xilal weyd ah, haseyeesha hadda waxay ka biyo diidsan yihiin in bilaa saami-qaybsi lagu golo doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee la filayo inay sannadkan dalka ka dhacdo, waxaanay ku doodayaan in saami-qaybsiga la sameeyo kadibna doorashada la galo, balse haddii kale aanay ka qayb-geli doonin doorashadaasi. Goboladoodana aanay wax doorasho ahi ka dhacayn.

Dhanka kalene Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu cahdigiisii ku guuldarraystay inuu meel saaro muranka saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada, Ex Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu wakhtigiisii sheegay in uu isagu u arkayey xalka lagaga gudbi karro caqabada saami-qaysiga sidan “Waxaan idiinku yeedhay in laga yeesho talo midaysan, gaar ahaanna aad wada tashi mug leh ka yeelataan saddexdiina xisbi qaran iyo shir-guddoonka wakiiladu, si xal loogu helo qaybinta kuraasta baarlamaanka. Waxaan idinka rajaynayaa in aad gaadhaan go’aan midaysan oo xal u noqon kara qaybinta kuraasta Golaha Wakiillada, isla markaana wax-tar u ah dalka iyo dadka..”Ayuu yidhi.

Siddoo kalena Afhayeenkii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa isaguna mar uu ka hadlayey qaddiyaddan sannadkii 2016-kii muranka saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada waxa uu yidhi sidan: “Anigoo ku hadlaya afka Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaan doonayaa in aan la wadaago ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in tabashooyinka jira ee ay qabaan beelaha darafyadu (Bari Iyo Galbeed) in hoos loo eegayo oo tabashooyinkaasi, gaar ahaan saami-qaybsigu uu yahay mid miiska yaal oo si ay ku jirto walaaltinimo, muwaadinimo iyo caddaaladdi loo eegayo oo looga wadatashannayo, meelna la isla dhigayo saami-qaybsiga tabashooyinku ka jiraan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Markaa cid waliba ha ogaato saami-qaybsigu in aannu ahayn hadallo la tuurtuurayo ee in Madaxweynaha iyo dawladda uu madaxda ka yahay ay ka go’antahay in saami-qaybsigu uu yahay kii Qarankan isku tolayey ee walaalaynayey ee ka dhigayey dhammaystir,” ayuu yidhi wakhtigaasi Ex Wasiir Caddaani.

Dhanka kalene Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo sannadkii hore 2019-kii dhammaadkiisii Magaalada Boorama kula hadlayeyTelefishanka Sahan TV, ayaa u arka jidka loo mari karo xallinta tabashooyinka iyo saami-qaybsiga sidan “Tabashadu maalinba meel ayey maraysaa, laakiin waxa la tabanaayo in laga wada hadlo oo loo fadhiisto miiska ayey u baahan tahay xalna looga gudbo wixii maanta la qabanayo la qabto, wixii aan maanta la qabanayna berri loo ballamo, taas ayey u baahan tahay.” Ayuu yidhi Ex Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin

Ugu Dambeyn Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay inuu cahdigi Dowladdiisa uu arrimaha noocan ah uu xisbinimo ku xalin jiray, balse hadda Xisbiyaddii laga baxay oo xaafado la marayo, waxaanu ku taliyey in Xisbinnimo laga noqdo “Annagu markaa Xisbinnimo ayaan wax ku wadnay, laakiin waxaad mooddaa hadda in waddadii Xisbinimada laga baxay, taas oo wax yaabo badan keentay, markaa Xisbinimada ha lagu noqdo ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi ex Madaxweyne Daahir Rayaal.

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
Latest News