Yoolnews.com
Guulaha iyo Waxqabadka Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Gaadhsiiyey Dekeda, Keenista Qalabka, Dhismayaasha iyo Aqoon-korodhsiga Shaqaalaha. Qore Mustafe Cali Warsame.
July 28, 2020 - Written by Yool News

Guulaha iyo waxqabadka is-daba jooga ah, ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera sadaxdii sanadood ee u dambeeyey, waa Horumar baaxadleh oo umada Somaliland iska dhaxli doonto.
Todobaadkii hore waxa Dekeda Berbera la Keenay Bedelka Wiishkii weynaa ee dhowaan Cilada gudihiisa ahi gubtay, talaabadaasi waxay ahayd guul ay ku amaanan yihiin cid kastoo kasoo shaqaysay, hadii ay tahay Maamulka guud ee Dekedaha Somalilan iyo Shirkada Dp World.
Waa markii ugu horaysay ee Dekeda Berbera qalabka yaala laga diiwaangeliyey Inshooran, waxanaan hawshaas hirgelinteeda ku Hambalyeynayaa Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ah, Aqoonyahan ku xeel-dheer nidaamka casriga ah ee dekeduhu ku shaqeeyaan. Sidoo kale waxaan Maareeyaha ugu Hambalyeynayaa guulaha is-daba-jooga ah ee u Dekeda Berbera gaadhsiiyey sadaxdii sanadood ee u dambeeyey, Kuwasoo Aan qormooyin badan lagaga gudbay.
Hase-yeeshee hadii aynu mid iyo laba dul-istaagno, waxa kamid ah waxyaabaha uu kusoo kordhiyey Dekeda Berbera sadaxdii sanaadood ee lasoo dhaafay, laba Taag oo Casriya oo wata Dab-demiska Bada hadii Markab gubto oo kale. Waxa kaloo kamid ah Doon dhowaan uu Maareeyuhuu kasoo Iibiyey Dalka Ireland, oo ah Doon ay raaci-doonaan Bayloodada Maraakibta ka hor-taga. Sidoo kale waxa uu kaanay Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi Nidaamka Ilayska Bada ee Habeenkii, waxa loo yaqaano Faynuusyada Bada, taasoo Dekeda ka dhigaysa mid habeen iyo maalin shaqaynaysaa.
Waxa kaloo kamid ah, Dhismaha Casriga ah, ee u dhisay Dekeda Berbera qaybta bada, kaasoo ka kooban 24 Xafiis iyo weliba laba wool oo waaweyn, kuwasoo loogu talo-galay Shirarka.
Waxa kaloo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi uu kusoo kordhiyey Dekeda Tabobaro Heer Caalamiya, oo u siiyey qaybaha Shaqaalaha ee kala duwan, isla markaana waxa uu tayey nidaamka aqooneed ee Shaqaalaha waxanu xilliyo kala duwan u fidiyey Shaqaalaha tabobaro aqoon-korodhsi. Sidoo kale, waxa uu Dambaysay todobaadkii hore shaqaalihii lagu Tabobaray Badbaadada Badda iyo weliba soo badbaadinta nafaha kalee Bada ku waxyeelooba.
La soco qaybaha dambe.
Qalinkii
Mustafe Cali Warsame.
Berbera/Somaliland.

COMMENTS
Latest News