Yoolnews.com
Beesha Caalamka oo War ka soo saartay isbedelka siyaasadeed ee Somalia+Digniin ay u dirtay saartay…
July 28, 2020 - Written by Yool News

Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay isbadaladii siyaasadeed ee dhawaan dalka ka dhacay gaar ahaan ridistii Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in walaac ka muujinayaan  isbadallada siyaasadeed ee dhowaan dhacay, oo ay ka mid tahay baarlamaanka Federaalka, aysan wiiqi doonin dadaallada lagu gaarayo isafgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka waqtigooda, carqaladeeya ajandaha dib-u-habeeynta Soomaaliya, ama abuurin xasillooni darro dib u celin karta guulihii ilaa iyo hadda la gaaray.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxa ay ku baaqeen wadatashiyo loo wada dhan yahay si loo gaadho heshiis sal ballaadhan oo ku saabsan qaab dhismeedka doorashada loo madan san yahay ee 2020.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay filayeen in madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedku ay ixtiraamaan heshiisyadii 22-kii Luulyo lagu gaaray Dhuusamareb iyo waqtiga loo qabanayo shirarka dabagalka ee isu imaatinka Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, hoggaanka baarlamaanka federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah.

“ Isku day kasta oo uu sameeyo daneeye kaliya oo si kumeelgaar ah u soo rogo qaababka doorashada wuxuu u dhimayaa sharci ahaansho mana hirgalin doono haddii aan laga helin taageerada lagama maarmaanka ah daneeyayaasha kale. Wada-hawlgalayaasha ayaa si dhow ula socon doona horumarka horay u socda. Ka go’naanta arrimaha mudnaanta leh ee la isku raacay iyo xallinta arrimaha iyada oo loo marayo wadahadal iyo isu tanaasul ayaa muhiim u ah sii wadista taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ee heerarka hadda jira” ayaa lagu yiri Warbixinta Beesh Caalamka.

Wada-hawlgalayaashu waxay ku boorinayaan magacaabista deg-degga ah ee dhammaan xubnaha guddiga FGS-FMS una diyaar u yihiin fududeynta shaqadooda, si lagu dhammeeyo muddo laba toddobaad gudahood ah oo lagu heshiiyay laga bilaabo taariikhda kulanka Dhuusamareeb.

COMMENTS
Latest News