Yoolnews.com
Siraha Diblumaasiyadeed ee Amb. Hassan Yassin Hirad Kashifay oo Sababay in Madaxweyne Muuse Biixi Xilka ka Qaado Haweenaydii Madaxda ka Ahayd Mashaaricda Imaaraadka…
July 16, 2020 - Written by Yool News

Canada(Yool)-Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb. Hassan Yassin Hirad, oo mudooyinkii u Dambeeyey kashifay Siro ku duugnaa Mashaaricda Imaaraadka Carabta ee Somaliland laga fulinayo, ayaa galaaftay shaqsiyaad tiro badan oo lala xidhiidhayay Musuq-maasuq.
Qoraalada Diblumaasiyadeed ee u soo bandhigi jiray Ambassador Hassan Yassin Hirad, ayaa galaaftay shaqsiyaad badan oo Musuq-maasuq baahsan ku hayey Mashaaricda ay kamid yihiin Wadada Berbera Corridor, waxana uu dhowaan Madaxweynuhuu mashruucaas u Magacaabay guddi Madax-banaan oo maamusha, kuwasoo lagala xisaabtami doono mashruuca wadada Berbera Corridor.
Siraha Diblumaasiyadeed ee u kashifay Amb. Hirad, ayaa sidoo kale galaaftay Ifraax Cismaan oo ahayd shaqsiga u xil Saarnay Somaliland Mashaaricda Imaaraadka Carabta, wallow an si rasmiya loo shaacin shaqo ka caydhinta Madaxii masharaaciida ee Somaliland Marwo Ifrax.
Hase-yeeshee ilo-wareedyo Diblumaasiyadeed oo ay heshay Shabakada Xogreebnews, ayaa sheegaya in shaqada laga caydhiyey Ifraax Cismaan oo ahayd madaxa-mashaariicaha. Waxa kaloo wararku intaa ku Dareen inay jiraan shaqsiyaad kaloo kamid ahaa Guddida Mashaaricda inay iscasilaad u gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Geesta kale, qoraal uu arrintaa Ifraax ee shaqada laga eryey ku saabsan ayuu bartiisa Twitter ku baahiyey Ambassador Hassan Yassin Hirad, kaasoo u dhigan sidan.
“the removal of such personalities (Ifrah Osman Head of the UAE Projects in the presidential office) the dismissal and resignation of others as most of them were in direct contact with the files of failed Emirati projects in #Somaliland @uaegov @solja_org @batalaale https://t.co/SPf7VjcQxv

COMMENTS
Latest News