Yoolnews.com
Gudoomiyaha Kulmiye ee Finland oo la Filayo Inuu Noqdo Musharaxa Golaha Wakiilada ee Gobolka Gabiley…
July 15, 2020 - Written by Yool News

London(Yool)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Finland Axmed Cabdilahi Khaliif, ayaa la filayaa inuu kamid noqdo, shaqsiyaadka ugu tunka weyn ee Gobolka Gabiley isu-soo sharaxa golaha Wakiilada Somaliland.
Gudoomiye Axmed Weli Khaliif, ayaa kamid ah haldoorka Gabiley, isla markaana ah Ruug-cadaa Saamayn xoogan ku leh Gobolka Gabiley. Warar Madax-banaan oo ay helayso Shabakada Xogreebnews, ayaa sheegaya inuu dhowaan dalka soo gaadhi-doono Siyaasi Axmed Khaliif, sidoo kalena ku dhawaaqi doono Musharaxnimadaasa.
Hase-yeeshee waxa uu Gudooomiye Axmed Weli Khaliif maanta bogiisa Facebook ku baahiyey qoraal kooban oo u ugu mahad-celinaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo labada Gudoomiye Xisbi oo hada hareeraha ka taagan inay dalka Somaliland ka qabsoonto Doorashada Baarlamaanka iyo Deegaanka mudo dhaafay. Qoraalka Gudoomiye Axmed Weli waxa uu dhigan yahay sidan.
“Waxad moodaa in uu muuqdo ficil dhab ah, oo suurogalinaya in Doorashooyinkii deldelnaa inoo qabsoomayaan,. Waa Guul iyo rajo-galin horleh,. Waanan uga Mahadcelinaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Gudoomiye-yaasha Axsaabta Qarankaba dedaalada isu tanaasulka Wata ee lagu bixiyay in halkaa lasoo gaadho”.

COMMENTS
Latest News