Yoolnews.com
“Markii Safaarada la isoo Magacaabay Warwarkii Igu weynaa ee I hayey, Wuxuu Ahaa… Runtii Xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland waa Mid dhaqan-dhaqaale…” Waraysi Xiiso badan oo la-la Yeedhay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed
July 13, 2020 - Written by Yool News
Jabuuti(Yool-Waxanu Akhristayaal idin soo gudbin doonaa qaybtii 2-aad ee  Waraysi xiiso badan oo Telefishanka Saab, la Yeeshay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed. Waraysigaas oo aad u dheer, waxa uu Safiirku kaga warbixiyey Xidhiidhka Saaxibtimo ee Somaliland iyo Jabuuti iyo sidoo kale xogo Diblumaasiyadeed oo ka dhexeeya.

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax oo sharaxaya markii loo soo Magacaabay dalka Jabuuti, inuu caqabado kala kulmay, waxa uu yidhi “Markii Safaarada la isoo Magacaabay warwarkii igu weynaa ee I hayey, wuxuu ahaa qaab dhismeedka Safaarada hagaajinteeda iyo Shaqaalaha. Sidoo kale waxa markiiba gacmo furan Nagu qaabilay dawlada Jabuuti, ilaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. 
Haayadaha labada dawladood ee sida weyn u wada-shaqaya waxa kamid ah, Wasaarada amniga labada dal, waxa kaloo wada-shaqayn leh wasaaradah ganacsiga labada dal, anigu ka Safiir ahaan todobaadkiiba mar ayaa tagaa, xududa dhinaca dhul ee u dhaxaysa Somaliland  iyo Jabuuti. Waayo?, isu-socodka labada dal ayaa si xawliya u socda, baabuurta kasoo galay xagaa Somaliland, kuwa Halkan Jabuuti ka baxaysa ee qabanaysa Somaliland. Gaadiidku waxa uu inta badan sida Khudaarta kala duwan iyo Kaluun, waxa kaloo jira waxyaabo dad kala soo degaan  Jabuuti socda ilaa Wajaale iyo waxyaabo badan oo kale”.
Ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxanu intaa ku daray, ” Runtii Xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland waa Mid dhaqan-dhaqaale oo Walaalnimo oo soo jireena, maha wax bilaabmay dhowaan, waa wax mudo dheer soo jiray. April 9 keedii waxa dhacday in isu-socodka Baaburtu yara istaagtay, maadaama oo u cusba Xanuunka Coronavirus mudo afar maalmood ah, waxaan ka tagay Halkan Jabuuti waxanaanu israacnay, wasiirka Daakhiliga Jabuuti, xudduuda ayaanu tagnay, kadibna waan u micneeyey Baabuurtu in aanay joogsan karayn, oo Badeecadaha qaar adkaysan karayn, sida Khudrada oo kale, runtii Wasiirku wax weyn ayuu igala qabtay, wanaanu ku guulaysanayn in aanu isu furno ilaa imikana sidii ayuu isu-socodku u furan yahay”.
Sidoo kale Safiirka oo la waydiiyey shaqooyinka ay u qabtaan dadka reer Somaliland ee degen Jabuuti, waxa uu yidhi “waxa jira dad badan oo reer Somaliland ah, oo Jabuuti u yimaada, arimo badan, sida Caafimaadka, Waxbaraashada iyo qaar u Yimaada sida Visaha oo Safaarada Faransiiska iyo Jarmalka oo halkan balamo ku leh,  balamaha ayaanu Safaaradaha uga samaynaa, waxa kaloo jira arday badan oo u baxaysa Chinaha oo kale, tusaale ahaan sanaadkii hore waxa inoo yimi, ilaa 10 Arday in ka badan oo ku socda China. Waxa kaloo jira dad intaa ay Halkan yimaadaan kharashku la go’o, ana arimo kale ku dhacaan, waxa jira dad marmar la xidho oo kale nalala soo hadlo, oo aanu ugu tagno Saldhigyada, waxa jira dad intaa ay yimaadaan uu Basboorkoodii ka lumay,  oo doonaya in loo sameeyo goo-home, taasna waanu ka caawinaa”.
Geesta kale, waxa uu Safiirku sheegay in Safaaradu gurmad iyo samata-bixin isagu dartay dadkii xayiraada Korono-Fayras ku haleeshay gudaha Jabuuti, waxanu yidhi “waxa jiray dad reer Somaliland ah, oo ay ka go’een kharashaadkii Huteeladii ay degenaayeen, sidoo kale, qaar aanu damiinanaynbaa jira, kuwo aanu jeebkayaga ka bixinaybaa jira, waxanan 4 Bishii May dawlada Jabuuti u qoray Warqad, waxaanan ka codsaday in naloo ogolaado, in aanu la baxno dadkayagii, waanay noo ogolaadeen, waxanaanu dadkii ku qaadnay Diyaarad khaasa, waxana 7-dii May Halkan ka dhoofay 49 qof, kuwasoo ay qaaday Diyaarad khaasi”.
La soco qaybaha dambe.

COMMENTS
Latest News