Yoolnews.com
Guulaha waxku oolka ah ee u Dekeda Berbera Gaadhsiiyey Maareeyaha Horumarka Siciid Xasan Cabdilahi…!!!. Qore. Cabdikhadar Xaamud Cali
July 13, 2020 - Written by Yool News

Horumarinta Dekeduhu, waa Muraayadaha laga arko dawladnimada, isla markaana waa marin ay muhiim tahay inuu yeesho, Muuqaal dawladnimo oo dhamaystiran.
Sidaas daraadeed, waxaynu Maanta qormadeenan kusoo qaadan-doonaa horumarka baaxada leh ee sadexdii sanadood ee u dambeeyey ay ku taalaabsatay dekeda Berbera oo maanta noqotay Mid Caalamiya, isla markaana ka gudubtay localnimadii.
Tan iyo intii uu Maareeyaha ka ahaa Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isla markaana qaybta raarista iyo dejintana ay xukumaysay Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, waxa ay Dekeda Berbera u horumartay si aan la qiyaasi karin, iyadoo gaadhay meel sare. Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ahaa inuu Sadex sanaadood gudahood ku keeno laba Taag oo Casriya, kuwasoo 30 sanaadood aanay yeelan dekedu maanta ka horow.
Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo. Waxana markaad gudaha Dekeda Berbera gasho indhahaagu qabanayaan sarta dheer ee midabka Dahabka ah ee loo dhisay Maamulka Dekeda Berbera.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato iyo dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu stays, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, saido waxay leedahay shaqo lagu tabo-baray gudaha dalka.
Sadexdii sanadood ee u dambeeyey waxa muuqata oo markhaati ma doonaa in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi dhexda u xidhatay dhismaha iyo dayac-tirka dekedaha Somaliland itaal ay doonaanbaa ha lahadeen’e, waxaana kowka ah, Dekeda weyn ee Berbera oo noqotay mid casriya,
isla markaana u guurtay inay la tartanto dekedaha dhigeeda ah ee geeska, waxa kaloo dhowaan dhamaan doonaa Dhismaha Dekeda cusub ee 400, ah iyadoo uu ku xigo dhisme kale, oo isna 400 ah oo noqon doonaa Deked kaloo Casriya.
Himilooyinkaa hirgelitaankooda waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu. La soco qaybaha dambe
Waa Bilahi Tawfiiq
Cabdikhadar Xaamud Cali
Cabdikh41@gmail.com
Berbera/ Somaliland

COMMENTS
Latest News