Yoolnews.com
Ururka Wadaniga ah ee Vosomwo oo Si Balaadhan Uga Wacyigeliyey Bulshada Xaafada Daami Xanuunka Covid19 iyo Qalabka Badbaada oo loo Qaybiyey Dad-danyar ah…
July 9, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Ururka Waddaniga ah ee VOSOMWO oo kashanaaya Dalada SIHA Network oo fadhigeedu yahay Dalka Uganda, ayaa u qaybiyey dadweynaha ku dhaqan Xaafada Daami ee Magaalada Hargaysa agabka lagaga Gaashaanto Sadhada Coronavirus oo faro-ba’an ku haya Dunida.
Ururka Vosomwo waxa uu agabkan badbaada Coronavirus u qaybiyey laba qaybood oo kala ah Daami A iyo Daami B. Xafadahaas oo ay daganyihiin dad Barakacayaal ah iyo kuwo u nugul xanuunada. Qalabkan oo ay iska kaashadeen Vosomwo iyo SIHA, ayaa ka koobnaa Saabuunta gacmaha lagu Maydho iyo Goobaha Faraxalka oo samaysan Taangiyada Biyaha.
Gudoomiyaha Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo Hibo Maxamuud oo ugu horayn ka Hadashay kulanka lagu qaybinaayey agabka ayaa tidhi.
“Anigoo ku hadlaya magaca Ururka Vosomwo, waxaanu bilihii u dambeeyeyba wadnay, Wacyigelin Balaadhan oo ku saabsan Xanuunka Coronavirus, taaso aanu ka samaynayn xaafadaha Daami A iyo Daami B. Sidoo kale waxanu dadweynaha xaafadaha gaadhsiinay,  adeegyadii lagaga hortagaayey sadhada Covid-19.
Sidaynu la wada socono, Xanuunka CORONAVIRS-ka, ma leh, wax Daaweyn ah, haseyeeshee wuxuu leeyahay ka Hortag. Sidaas daraadeed waxaynu maanta wadnaa, Wajigii labaad ee oloolaha Wacyigelinta, waxanan Maanta wadnaa, adeegyadii lagu faraxalanaayey iyo Saabuunta gacmaha lagu maydho.
Waxa halka  yaala 10 xabo oo sanaaduuqda lagu faraxasho ah, iyo saabuunaha gacmaha lagu maydho. Waxanaanu ku wareejinaynaa xaafadaha Daami A iyo Daami B. Waxaan Maamulka Xaafada kula dardaarmayaa in Bulshada ay ku Wacyigeliyaan inay qalabkan isticmaalan, Isla markaana laga hortago Covid-19.
Sidoo kale, waxaan Halkan uga mahadcelinaya Hayada SIHA, oo ku dedaashay sidii uu mashruucani u fuli lahaa. Hayada SIHA, waxay hore uga qabatay dumarka suuqyada ku ganacsatada iyo arima kaloo badan wanan u mahadcelinaya sida ay mar walba noo garab istaagan Bulshada ku nool Xaafada Daami.
Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo waxa mar walba ka go’aan inay u adeegto, dadka Takooran ee ku nool Xaafadaha Daami iyo Gobolada kaleba. Ururka Vosomwo waxa ka go’aan inay xuquuqda dadkaas meel kasta ka raadiso”. Ayey tidhi Gudoomiyaha Ururka Vosomwo Hibo.
Sidoo kale, waxa iyaguna hadalada isaga daba maray Masuuliyiin tiro badan iyo Maamulka Xaafada Daami, kuwasoo Ururka Vosomwo uga mahadceliyey deeqdan iyo dedaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Bulshada la Takooray.

COMMENTS
Latest News