Yoolnews.com
La-taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bulshada oo ka Warbixiyay Diyaarado Maanta ka Degay Madaarka Magaalada Burco
July 9, 2020 - Written by Yool News

Burco(Yool-Waxa Maanta gegida Diyaaradaha ee Magaalada Burco, kasoo degey laba Diyaaradood oo ah, kuwa loo yaqaano, (Helicopters).
Labadan Diyaaradood waxa ay soo cago-dhigteen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Burco, sida uu sheegay La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arimaha Bulshada Md Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.
La-taliye Madaxweyne Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay in Diyaaradahani yihiin, kuwo Ayaxa Buufiya, isla markaana hore waxay uga soo shaqeeyeen deeganada Gobolka Saraar.
Sidaasna waxa uu La-taliye Madaxweyne Cabdiwaaxid ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan.
“Waxaa maanta madaarka magaalada Burco ka soo degey Diyaarado qumaatiga u kaca (helicopters) ay Wasaaradda Horumarinta Beeruhu ugu tala gashay in lagula dagaalamo Ayaxa beryahan dambe dalka faro-baas ku hayey.
Hore waxaa gobolka Saraar ugu sugnaa gaadiid buufinaaya Ayaxan aguugaya ee dalka ku habsaday.
Waa hawl inaga baaxad weyd iyadoo Ayaxu uu dalka oo dhan ku degey”

COMMENTS
Latest News