Yoolnews.com
Gudoomiyihii hore ee Wakaalada Wadooyinka oo Is-casilay iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilka u Magacaabay Gudoomiyihii ee Koomishanka Ciise Xamari… Mashruuca wadada Berbera Corridor oo Gaabis Hadheyey..
July 9, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Warar lagu kalsoon yahay, oo ay heshay Shabakada Xogreebnews, waxay sheegayaan inuu Is-casilay Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Md. Maxamuud Cabdi Maxamed.
Is-casilaada Masuulka, ayaa sida illuhu tibaaxeen lala xidhiidhay faro-gelin shaqo iyo awood-maroorsi uu ku sameeyey Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka Md. Cabdilahi Abokor Cismaan.
Waxana in mudo ah, khilaafku soo jiitamaayey, ayaa uu go’aansaday inuu Is-casilo Maareeyihii Wakaalada Wadooyinka Somaliland, waxanu iscasilaadiisa u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha, ayaa la sheegay inuu ka aqblay iscasilaadii Gudoomiyaha Horumarinta Wadooyinka, waxanay Wararka ay heshay Shabakadu sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u xilka Wakaalada Wadooyinka iyo Mashruuca Wadada Berbera Corridor u Magacaabay Gudoomiyihii ee Koomishanka Qaranka Eng. Ciise Xamari.
Si kastaba ha haatee mashruuca Wadada Berbera Corridor, ayaa Gaabis ka muuqda, iyadoo sanaad gurigii Gudoomiyaha la Magacaabay noqonayo kii Sadexaad ee Haayadaas soo mara, waxana wararku sheegayaan in labada Gudoomiye ee Wakaalada iska Casilay ay isqabsadeen Wasiirka Jidadka Cabdilahi Abokor, waxana intaa ay ku Darreen wararku in Wasiirku noqday Xirsiga Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo qofkii ay isqabtaanbaa daaqada kala baxo.
Xafiiska warqabad ee Shabakada Xogreebnews.com

COMMENTS
Latest News