Yoolnews.com
Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo ka Warbixiyay Ujeedka Wafti Balaadhan oo u Hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadu Ku Kormeereen Dekeda, Kastamka, Madaarka iyo Qaybta Soolarka…
July 6, 2020 - Written by Yool News

Berbera(Yool)- Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa qaabilay Wafti Culus oo u hoggaaminayey Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo ku xigeenkiisa.
Waftiga ayaa Kormeer kusoo Maray Kastamka Berbera, Dekeda Cusub iyo qaybaha kalee Dekeda iyo weliba Madaarka Berbera iyo Qaybta laga dhalin-doono Korontada ee Soolartu taalo.
Ugu horeyn waxa waftiga qaabilay Maareeyaha oo kusoo wareejiyey Mashaaricaha kala duwan ee ka socda Dekeda iyo goobaha kale ee ay tageen waftigu. Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo sharaxaya Ujeedka Waftiga waxa uu daaran-yahay iyo goobaha la kormeeray waxa uu yidhi.
“Waftiga Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland hoggaaminayey waxay u socdeen, Kormeer shaqo oo caadiya, kaasoo ay awalba ku iman jireen Dekeda, si ay u jeeg-gareeyaan, hawlmaalmeedka shaqo ee ka socda Dekeda Berbera.
Waxa kaloo, ay Wasiiradu qaybta cusub ee Dhismaha Dekeda cusubi ka socdo, oo ay Kormeer kusoo sameeyeen waftigu.
Sidoo kale, waxay waftigu soo booqdeen Madaarka Berbera iyo goobtii ay yaaleen Soolarka, oo iyadduna ku dhow dhamaad. Waxa kaloo ay waftigu booqdeen Kastamka Magaalada Berbera.
Waftigu waxa kaloo qayb qayb-qayb usoo kormeereen Qaybaha Dekeda ee kala duwan, ugu dambaytiina waftiga waxanu Shir ku galnay Xafiiska Maamulka Dekeda, waxana Shirka kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee Dekeda Berbera, wanaanu ku faraxsanay waftiga noqona-mayso markii u Dambaysay, insha allah”. Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka Hadlay Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxanu yidhi “ujeedada ugu weyn ee aanu u nimi, waxa weeye Kormeer shaqo, ugu horayna waxanu doonaynaa inaanu Xog-ogaal u noqono, sida hawshu u socota, waxanu la kulanay Kastamka iyo Shaqaalaha, anagoo markaa Kormeer karena ku marnay qaybaha Dekeda, sidoo kale siduu sheegay Maareeyuhuu waxanu soo marnay Madaarka Berbera iyo halka ay taalo Soolarka laga dhalinayo Korontada. Sidoo kale waxanu la kulanay madaxa Shirkada Dp World iyo Maareeyaha Dekeda, si aanu Xog-ogaal ugu noqono siday hawluhu u socdaan, waxanaanu si weyn uga Wadahadalnay sidii aanu u iskaashi ula yeelano Dekeda, waxanaanu, waxanaan Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi uga mahadcelinaya sidii wanaagsanayd ee u noo soo dhoweeyey”. Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

COMMENTS
Latest News