Yoolnews.com
Badhasaabka Cusub ee Gobolka Saaxil, Ma Wuxuu Noqon-doona Gacan-yare Hoosyimada Maamulka Dawlada hoose, Mise Gudoomiye u Madax-banaan Waajibaadkiisa Shaqo?.
July 5, 2020 - Written by Yool News

Berbera(Xogreebnews)-Muddooyinkii u dambeeyey Dadka ku dhaqan gobolka Saaxil waxay u oomanaayeen Gudoomiye Gobol oo Madax-banaan, isla markaana garanaaya Shaqadiisa, kuna hawl gala gudashada Waajibaadka Gudoomiyenimo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.
Waxaa aan shaki ku jirin Badhaabka Gobolku, inuu yahay Madaxweynaha Gobolka, isla markaana uu ka turjumo Siyaasada dawlada ee Gobolka ka socota. Wuxuu u taagan yahay ficliyan & Muuqaal ahaanba Siyaasada Dawlada dhexe ee jirta, Waa halka la rabo inay dhaqanka bulsho ee jira ay waafajiso nidaamka Dawladeed iyo mid siyaasadeed, waxaynu ku sheegi karnaa Badhasaabku halka uu Gobolka ugu jiraa waxay la mid tahay halka qalbigu bani-aadamka jirkiisa ugu jiro, waxayna Diinteenu ku tilmaamtay Waslada haddii ay fasahaado jirku dhamaan wada fasahaadayo, haddii ay hagaagtona jidhku wada hagaagayo.
Sidaas daraadeed Gobolka Saaxil oo ah gobolka Muhiimad fara badan u leh Somaliland, isla markaana ah Isha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland, inuu sanadadan dambe wehel u ahaa inuu fadhid noqdo, Masuulkii u ahaa Madaxweynaha gobolka, oo ah Badhasaabka.
Berberi waxay si weyn u tebaysay Badhasaab shaqadiisa si daacada u guta, isla markaana aan jeebada u gelin Masuuliyiinta ka hoosaysa sabab Dhaqaale darteed, Badhasaabka oo xooga Shilimaana lagu maamulo, taasina waxay meesha ka saaraysaa inuu waajibaadkiisi shaqo si madax-baanaan u maamulo.
Sidoo kale, waxay sanooyinkii u dambeeyey Gobolka Saaxil u tabaayey oo Bulshada Gobolkaas ka dhex guuxaayey Guddoomiyaha Cusubi ma noqon doona kii ay Saaxil sugaysay ee Shaqadiisa Garanaayey una Madax bananaa, mise Wuxuu isna ka mid-noqon doonaa Agaasimayaasha Dawlada Hoose, sidii kii hore, waxaan rajaynayaa anigoo ka duulaya Samirka fara badan ee lagu sugaayey in mar uun la gaadho badhasaabkii Gobolkaas u qalmaa, inuu noqon doono mid la wareega jagada hogaaminta gobolka.
Gudoomiyaha cusub ee dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay Gobolka Saaxil, waxa haysa Diirada Shacabka Waxanu noqon doonaa laba mid uun, Gudoomiyaha ay hoos-yimaadan Laamaha dawladu, iyo inuu noqdo Gacan-yare u adeega Maayirka iyo Xoghayaha Dawlada hoose Berbera.
La soco qaybaha dambe.

COMMENTS
Latest News