Yoolnews.com
Safaarada Somaliland ee Jabuuti oo 50 Qof oo Waraaqaha Caafimaadka Haysta Kasoo Amba-bixisay Madaarka Ambouli International Airport DJabuuti
July 4, 2020 - Written by Yool News

Jabuuti(Yool)-Safaarada Somaliland ee ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa 50 qof oo ay soo hubisay Caafimaadkooda, Maanta usoo amba-bixisay Dalka Somaliland gaar ahaan Caasimada Hargaysa.
50 qof ayaa isagu jira muwaadiiniin reer Somaliland ah oo in mudo ah ku Xayirnaa gudaha dalka Jabuuti iyo kuwo reer Jabuutiya, ayaa Maanta si rasmiya uga dhoofeen gegida Caalamiga ee Diyaaradaha Ambouli international Airport DJabuuti, iyadoo ay qaaday Diyaarada Airline Djabuuti.
Dadweynaha Maanta ka dhoofay dalka Jabuuti ee u kicitimaya dalka Somaliland, ayey Safaarada Somaliland ee Jabuuti qof-qof u baadhay xalaadooda Caafimaad, isla markaana uu samaysay Waraaqda bad-qabka, maadaama oo Xaalada Xanuunka Coronavirus uu weli dunida iyo labada dalka kasii jiro.
Geesta kale, Safaarada Somaliland oo kaashanaysa Dawlada Jabuuti, ayaa 19-kii May ee Bishii lasoo dhaafay 65 Muwaadin oo reer Somaliland ah oo ay Xaaladooda Caafimaad hubisay kasoo amba-bixisay xuduuda labada wadan u dhaxaysa ee dhinaca dhulka.
Sidoo kale, 7 May ayey Safaarada Somaliland ee Jabuuti, waxay 49 Muwaadin oo reer Somaliland ah, usoo kiraysay Diyaarada khaasa, isla markaana kasoo amba-bixisay dalka Jabuuti oo ay ku qabsatay Xayiraadi Coronavirus. 49-kaa qof ayaan iyaga la marin wax baadhitaano caafimaad ah, balse markii ay ka degen Magaalada Hargeysa waxa la geliyey Karintiin, maadaama oo u xiligaas cusba Xanuunka Coronavirus.
Si kastaba ha ahaatee, Safaarada Somaliland ee Jabuuti, ayaa si weyn ugu dhaga-nugul shacabkeeda, isla markaana wada-shaqayn wanaagsan la leh, Jamhuuriyadda Jabuuti, taasina waxay sababtay in Meeqaamka Diblumaasiyadeed ee Safaarada Somaliland ku leedahay Jabuuti uu noqdo mid Heer Caalamiya oo la meeqaamka ka Dawladaha aqoonsiga haysta.

COMMENTS
Latest News