Yoolnews.com
Maamulka Dekeda Berbera oo ku Guulaystay Inay Isla markiiba Bakhtiiyaan Koontiinar Dabka Kacay Iyo Dekeda oo ay Heeganku Yihiin Gaadiid Dab-demis….
July 4, 2020 - Written by Yool News

Berbera(Xogreebnews)- Maamulka Dekeda Berbera, ayaa daqiiqado gudahood ku guulaystay inay ku bakhtiiyaan Koontiinar Dab ka kacay.
Koontiinarka Dabku ka Kacay, ayaa la sheegay inay ku jireen Badeecado ay-siidh kamid tahay, taasoo sababtay inuu dab ka kaco Koontiinarka, ma jiro wax Khasaare ah oo ka dhashay Dabkaas ka kacay Koontiinarka.
Hase-yeeshee Ciidamada Dab-demiska Dekeda Berbera, oo ku jiray heegan buuxa, ayaa degdeg u bakhtiiyey Koontiinarkaas, isla markaana kasoo qaaday goobtii uu yaalay, waxana la dhigay meel gooniya, Laguna bakhtiiyey.
Si kastaba ha haatee, waxa hada Shirkada Dp World iyo Maamulka Dekeda Berbera, usooo Iibiyeen Dekeda. Gaadiid Dab-demis oo heegan ku ah, gudaha Dekeda Berbera, waxana Baaburtaas Dab-demiska saaran shaqaale xir-fad sare u leh hawlaha dab bakhtiinta, kuwasoo loo tabo-baray Daminta Masiibooyinka Dabku hadii ay yimaadan.

COMMENTS
Latest News