Yoolnews.com
Safiirkii Hore ee Somaliland u Fadhiyay Imaaraadka oo Xukuumadda ugu Baaqay Inay Xidhiidh Saaxibtimo la Yeelato Madaxda Africa ee Cusub…
June 30, 2020 - Written by Yool News
Hargeysa(Yool)- Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb. Hassan Yassin Hirad, ayaa Xukuumada Somaliland usoo Jeediyey inay qadiyada aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ka dhaadhico Madaxda Africa, kuwooda cusub.
Diblumaasi Hassan Yassin Hirad, waxa uu Wasaarada dibada Somaliland ugu baaqay inay kordhiyaan dedaalada aqoonsi raadinta, waxanu farta ku fiiqay inay haboon tahay in xidhiidh saaxibtimo lala sameeyo madaxda Africa ee cusub.
Sidaasna waxa uu Ambassador Hassan Yassin Hirad ku sheegay qoraal Diblumaasiyadeed oo u ku baahiyey bartiisa Twitter, kaasoo Nuxur ahaan u dhigan sidan.
“Somaliland waa inay fursada horyaala kafaa’idaysataa Madaxda cusub ee Africana xidhiidho dhaw lasamaysataa si qaddiyadda Somaliland looga iibiyo intay cusub yihiin”.

COMMENTS
Latest News