Yoolnews.com
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Gudoomiyaha Gobolka Seleel oo ku dhawaaqay Isku Socodka Xuduuda Dhulka ee Somaliland iyo Jabuuti…
June 30, 2020 - Written by Yool News

Lowyo-cado(Yool)-Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Badhasaabka Gobolka Seleel Mawliid Maxamed Nuur, ayaa si rasmiya Maanta ugu dhawaaqay inuu furan yahay isu-socodka xududa labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.
Safiirka, ayaa furi-taanka xududaha Somaliland iyo Jabuuti kaga dhawaaqay Magaalada Lowyo-caddo, waxanu safiirku Bulshada u kala socdaaladaysa labada dal ugu baaqay inay soo qaatan Waraaqaha Caafimaadka oo mudada ay shaqaynayso tahay 4 maalmood.
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Badhasaabka Gobolka Seleel, Mawliid Maxamed Nuur, oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalo-xuduudeeda Lowyo-caddo, waxa uu safiirku ku Faahfaahiyey shuruudaha laga rabo qofka u kala gudbiya xuduuda labada dal, waxanu yidhi.
Maanta oo ay Taarikhdu tahay 30-kii bishii lixaad 2020-ka, way furan tahay xuduuda labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti. Sidii uu horeba ugu dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil Saylici, gudaha, Badda iyo Cirkaba. Anigana waxa Masuuliyadii naga saaran tahay, anigoo ah Safiirkii Somaliland ee Jabuuti, Muwaadiniinta kasoo baxaya Jabuuti, inay soo qaataan Waraaqda Caafimaadka, mudada Warqadu shaqaynayso waa 4 maalmood gudahood.
Wixii 4-taa Cisho ka dambeeya waraaqda Caafimaadku way dhacaysaa, oo ma shaqayn doonto, markaa Maantana waxanu joognaa Magaalada Lowyo-caddo, waxanaanu ku daah-furaynaa isku socodka xuduuda ee labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti”. Ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.
Sidoo kale waxa isna halkaa ka Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Seleel Mawliid Maxamed Nuur, oo isna xoojiyey hadalka Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

COMMENTS
Latest News