Yoolnews.com
Dhaca Berbera × Dhag-dhagtii Fanka Iyo Dhuumalaysigii Maraafiishta ee Xoghayaha dawlada hoose ee Berbera… 3aad.
June 30, 2020 - Written by Yool News

Berbera (Yool)-Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, oo ah shaqsi Xariif ku noqday Xeeladaha wax loo lunsado, ayaa hada xilka Xoghayaha dawlada hoose ee Berbera hayey mudo shan sanaadood ah.

Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, waxa uu isku xambaarsan yahay laba xil oo culus, kuwasoo kala ah, xilka Xoghayaha dawlada hoose iyo maroorsi oo ku sameeyey Shaqadii Maayirku xigeenka oo ay wada jir u inqilaabeen isaga iyo Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin.
Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, waxa uu xariif ku noqday fasaxida bog-cadaha dawlada Heer kastoo ay dawlada hoose xukunto, waxanu si toosa ugu xidhan yahay ganacsato ku mamay Hantida dawlada iyo dhulka, sidoo kale waxa uu sheerar qarsoodiya ku leeyahay ganacsato waaweyn, kuwasoo uu helay in xeeladaha xilku u sahlay.
Arrimahaasoo dhami waxay noqdeen kuwo u fudaydiyey ama u sahla inuu Magaalada Berbera ka noqdo Shaqsi Maamul iyo shacab qof jeceli iyo mid neceb midna aanu jirin.
kaddib marka shaxdii Siyaasada ee u gobolka Saaxil ku ciyaaaray, ugu dhacday jaro irmaan ah.
Hadabaa, Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde waxa uu Guryo-waaweyno dabaqyo ah ka kala bineeyey dalka dibadiisa iyo weliba gudihiisa, kuwasoo aynu ka xusi Karno muuqaalka Guri sadex dabaq ah, ay Marar kala duwan Shabakada Xogreebnews usoo gudbisay Akhristayaasha, waxanu ku yaala duleedka Waqooyi ee Huteel Shiraaqle. Cabirka dhulka uu ku fadhiyo oo aad u weyn iyo sidoo Kale, qiimaha uu ku kacay dabaqyada qurxoon, marka la qiyaasay waxay sheegeen in 500,0000,oo Dolar in aanay ka yarayn.
Hadii aynu si Kooban guud mar ugu samayno isbedeladii shaqo iyo nololeed ee u soo maray Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera Cabdikariin, ka sekow reer Berberanimadiisa waxa uu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Engo-ga Gavo, oo lagu aasaasay Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, Waxa kaloo uu shaqo kasoo qabtay mudo dheer Shirkada Dahabshiil, oo u aakhirkii ka hawlgeli jiray xafiiska Jabuuti, halkaasoo uu isaggu Codsiga bedelaada lahaa Jabuuti.
Dalka Jabuuti, ayaa kamid goobaha la sheegay inuu Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde ka dhisto Guryo Dabaqyo ah.
Geesta kale, Xoghaye Cabdikariin waxa uu ahaa Nin u qalbi furan ina jajaban dhinaca Fanka iyo suugaanta, waxana lagu xasuustaa curinta Heeso uu qaado Fanaan Caabi Mire iyo qaar kamid ah xidigaha Geeska, waxana si gaar ah Saaxibadii ugu xasuustaan sheeko Xariir, Farxad iyo qosol badan, gaar ahaan xilliyada lagu sugan yahay Marfashyada Codadka Debecsan.
la soco qaybaha dambe Shabakada Xogreebnews.com

COMMENTS
Latest News