Yoolnews.com
Xoghayaha Dawlada hoose Berbera oo Saska Qaaday Gudoomiyaha Cusub ee Madaxweynaha JSL usoo Magacaabay Gobolka Saaxil…
June 29, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Xoghayaha dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa ka biyo-diiday Bedelka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku sameeyey badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan, oo Madaxweynuhuu u Bedelay Gobolka Sanaag.
Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde waxa uu markii uu ogaaday Bedelka Madaxweynuhuu ku sameeyey Badhasaabkii hore, waxa uu isla markiiba kaga falceliyey qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaasoo u ku Hambalyey magacaabista Madaxweynaha uu Axmed Cismaan uu u Magacaabay gobolka Sanaag.
Hadaba, waxa isweydiin mudan, isla markaana layaab ah, Qaabka uu ku qaabilay xoghayaha dawlada hoose Berbera Cabdikariin Gudoomiyaha cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi usoo Magacaabay Gobolka Saaxil, iyadoo aanu haba-yaraatee qoraalkiisa meelna kaga xusin soo Dhoweyn iyo qaabilaad toona.
Sidoo kale, qoraalka Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde Bulshada la wadaay, ayaa ahaa mid ka aradan hanaanka hab-qoraalka, Isagoo bilow ilaa dhamaad qoraalkiisa ku bilaabay xarfaha loo yaqaano Capital, taasoo aan la garanayn inay ka tahay aqoon iyo in uu dhayal-saday hanaanka hab-qoraalka. Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde waxa u hore u ahaa bahda fanka iyo suugaanta. Qoraalka Xoghayaha ayaa ah, kan xaga hoose ku qoran.
“WAXAAN HAMBALYO U DIRAYAA GUDDOOMIYIHII HORE EE GOBOLKA SAAXIL OO AANU SI SHARAF IYO KARAAMO LEH U SOO WADA SHAQAYNAY MAANTANA MADAXWEYNAHA JSL U MAGACAABAY BADHASAABKA GOBOLKA SANAAG. WAXAAN KALSOONI KU QABAA INUU XILKAAS MAR KALE KA SOO DHALAALI DOONO. INSHAA ALAAH”.

COMMENTS
Latest News