Yoolnews.com
Safiirkii hore ee S/land u Fadhiyey Imaaraadka Amb. Hassan Yasin Hirad oo Ku Eedeyey Dawlada Carabta Inay Lugta Hayaan Aqoonsiga JSL, Sheegayna Inay Dawlada Israaiil u Heelantay Inay Somaliland markale Aqoonsato
June 26, 2020 - Written by Yool News
Hargeysa(Yool)- Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb. Hassan Yasin Hirad, ayaa Dawladaha Carabta ku eedeyey inay duudsiyeen dawladnimada Somaliland iyo xaqa ay u leedahay inay noqoto qaran kusoo biira Dawladaha la aqoonsan yahay.
Amb. Hassan Yasin Hirad, waxanu xusay inay maanta haboonay inay jaamacada Carabtu aqoonsato Somaliland, isla markaana tixgeliso rabi-taanka Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu safiirku sheegay in 1960-kii ay dawlada Israil aqoonsatay Somaliland, waxanu safiirku xusay inay weli Dawlada Israaiil xiisaynayo Somaliland, iyadoo dhowaan uu Wargeys kasoo baxa israaiil  maqaal ku sheegay inay Somaliland iyo Israaiil yihiin dawlado walaalo ah.
Hadaba Amb. Hassan Yasin Hirad oo Warbixin Diblumaasiyadeed ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa si weyn uga fal-celiyey dawlado carbeed, kuwasoo dhibsaday xaqiiqada uu baahiyey Diblumaasi Hassan Yasin Hirad. Qoraalada Safiirka ayaa u dhigan Sidan.
“Maanta waxay ku beegan tahay maalintii Somaliland ka qaadatay madaxbanaanideeda dawladda ingriiska iyadoo ahayd maxmiyad ee aan ahay meel lagumaysto.
Hadaba iyadoo ay Somaliland madaxbanaanideedii kalasoo noqotay Somalia 1991 una dabbaal degtay 29 guuradii bishii hore waxa iswaydiin mudan maxay jaamacada carabtu uga garaabiwayday qaddiyadda Somaliland?
Waxaan ugubaaqaynaa inay kagaraabaan kahor inta aan dawlado African ahi. Aaqoonsan  ama Israel oo horeba noo aqoonsatay Inay marlabaad na aqoonsato.
Sannadkii hore bilawgiisii ayuu qoray Qoraaga wayn ee reer Israel inuu ictiraafka Somaliland Israel yaalo, wuxuuna ugu baaqay madaxweyne muuse biixi inuu saaxiibada taqliidiga ah soo dhaafo oo uu yimaado Israel.
Waxaa sidoo kale maqaal dhaar kaqoray joornaalka Jerusalem post xidhiidhkii lumay iyo walaaltinimadii Israel iyo Somaliland”.

COMMENTS
Latest News