Yoolnews.com
Telefishanka Jabuuti Oo Muuqaalladii Shirka Ku Codeeyey Heestii Soomaali-weyn Ee Shirkii Carta Iyo Shacabka Somaliland Oo Ka Fal Celiyey!
June 15, 2020 - Written by Yool News

Jabuuti (Yool)- Hees uu Telefishanka dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ee loo yaqaano RTD dul saaray muuqaalladii laga sameeyey soo dhawayntii Wufuudda Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qayb galayay shirka wada hadallada ayaa waxa ay dhalisay doodo iyo falan qayn badan oo baraha Bulshada ku kulanto qabsaday saacadihii la soo dhaafay.

Heestan oo ka mid ahayd heesihii Kooxda Fanka ee Deegaan oo reer Jabuuti ahi ka qaadeen shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee sannadkii 2000 ka qabsoomay Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa waxa markii muuqaallada shirka shalay RTD saareen, waxa ka xumaaday shacabka Somaliland oo saluugay ereyada nuxur ahaan ay heestaasi xambaarsanayd ee Soomaali weynta ah oo ay u arkayeen mid aan muuqaalladii xalay la baahiyay ku habboonayn.

Midhaha Heeskan oo ah mid Jabuuti ku muujinayso sida ay ula dhacsan tahay midnimada Soomaaliya, sida ay uga shaqaysay in ay dawlad u dhisto iyo arrimo kale ayaa waxa ay ahayd hees wakhtigaasi laga qaaday shirkii Carta balse aanay dadka reer Somaliland marnaba jeclaysan.

Haddaba Halkan kaga bogo Midhaha Heestan doodda dhalisay:

“Saaka Iyo Illaa Sagaashan Iyo Kowdii

Hadba Waxaad Ku Sugan Tahay

Waan Kula Socdaa Waan Kula Socdaa

Marna Kaama Seexan Kaama Seexan

Soomaali Weyneey

Subaxii La Toosiyo Sannaddii La Joogaba

Nabad Baan Kuu Sahamiyaa

Salaaddaan Tukado Saacaddaan Ducaystaba

Saatir Baan Kuu Baryaa

Maantana Sidoo Kale Salaan Iyo

Su’aal Iyo Habboon Iyo

Waxaan Kuu Sidaa Wali

Taladii Sokeeyee Hoo

Marka Xiga Sareediyo

Soddonkii Qur’aankiyo

Waa Sooryo Iyo Deeq

Saaxiib Ku Jecel Iyo

Walaaluhu Ku Siiyee

Soomaaliyeey Hoo

Saddexaadna Waaniyo

Saxansaxo Udgooniyo

Seermaweydada Ka Hillaacday Samadiyo

Saadaashu Waa Guul ..Saadaashu Waa Guul”

Xigasho Foore

COMMENTS
Latest News