Yoolnews.com
Madaarkii Berbera Ee Ay Xukuumadii Uu Hogaamiyaha Ka Ahaa Madaxwayne Silaanyo Ay Emaaraadka Carabta Ku Wareejisay Xagee Ayuu Kudanbeeyay.
June 13, 2020 - Written by Yool News
Hargeysa(Yool- Madaarka Magaalada Berbera Oo Ay Xukuumadii Madaxwayne Silaanyo Ay Si Rasmi Ah Ugu Wareejisay Wadanka Emaaraadka 12/1/2017 Ayaa Waayadii Danbe Warar Is Khilaafsani Kasoo Baxaayeen,kuwaasi Oo Xogaha Qaar Tabaaxeen In Waddanka Emaaraadku Kanoqday Madaarka Berbera Qaar Kalena Sheegayaan In Ay Wadda Isticmaalayaan Shacbi Iyo Meletry Taasi Oo Umuuqada Madaan Suurto Gal Ahayn Balse Ay Xukuumadu Ka Dhawaajisay.

Dhinaca Kale Dhismaha Madaarka Magaalada Berbera  Ayaa Dadka Ka Ag Dhowi Sheegeen In Shirkadii Dhisaysay Ay Dhamaysay Qaybta Ranwayga  Ee Dayaaradu Ka Hadaan, Amaba Soo Cago Dhigtaan
 Majirto  Faah-faahin Ay Ka bixisay Shirkada Dhisaysay Madaarka Berbera  Ee Nale Binu Harmal Halka Ay Wax Umarayaan.
Madaarka Magaalada Berbera Ayaa Wararka Qaar Tibaaxayaan In Qaybo Kamida Ay Banaanyahiin Oo Ay Xoolaha Iyo Xayawaankuba Soo Galaaan Taasi Oo Meesha Kasaaraysa In Madaarkii Berbera Uu Yahay Mid dhismahiisi Dhamaaday.
Dhinaca Kale Bayskii Meletry Ee Dhinaca Badda Ee Sawirka Hoos Kamuuqda Ayaa Ah Mid Ah Mashruuc Umuuqda Oo Ah Berked Laqodaaya Oo Kale Taasi Oo Ay Cagafyo Qodayaan Goobta Balse Aanay Shaqo  Ka Muuqan.
Mashruucan Bayska Ayaa Ah Mid Fashilan Oo Dhowr Jeer Oo Hore Shirkadii Dhisaysay Ay Shaqaalaheedii Siin Kariwayday Mushaharaadkii.Qalabkii Dhisaayayna Lagala Wareegay.
Isku Soo Wadda Duub Oo Mashruuca Bayska Meletry Iyo Madaarka Magaalada Berbera Ayaa Umuuqda Mid Dad Lagu Naas Nuujinayaay Oo Ah Mashruucii Biyo Balaadhinta Casaasimada Hargeisa Ee Xunba Wayne. Oo Kale
Walow Dadka Degan Magaalada Berbera Lagu Yidhaahdo Mashaariic Ayaa Kasocota Magaalada Lagu Nasday Haddana Magaalada Berbera Ayaa Ah Mid Ka Aradan Mashaariic-daasi.
Weriye Cabdiraxmaan Maxamed Cige Berbera.

COMMENTS
Latest News