Yoolnews.com
Guddida Heer Qaran ee Covid19 oo Maanta La Wareegtay Lacag Dhan $700.000 oo Doollar.
June 13, 2020 - Written by Yool News
Hargeysa(Yool)-Gudoomiyaha Guddida  Covid19 ahna Madaxweyne ku xigeenka JSL  Mudane, Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta  Xafiiskiisa ku gudoomay qaadhaan lacageed oo dhan $700.000 (Todoba boqol oo kun oo doolar) Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo wakiil ka ahaa Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale oo isaguna Wakiil ka ahaa Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah oo kamida Boqortooyada Kuwayt isalmarkaana degan Gobolka Saaxil.
Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah  ayaa guud ahaan Somaliland oo gaadhsiiyey 1,000,000, (Hal milyan oo doolar) waxaana 300.000 oo lacagtaasi kamida saaka  Xafiiska Dahabshiil ee Berberi uu ku wareejiyey.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna  Gudoomiyaha Guddida  heer qaran ee  Covid19  oo lacagtaasi gudoomay ayaa  ugu horaynba waxa uu mahad naq usoo jeediyey  Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah oo uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu yahay shakhsi ku qaaliya dadka reer Somaliland isla mar ahaantaana Somaliland deegaan ahaan ka dega Gobolka Saaxil, lacagtaasna uu usoo  wakiishay Shirkada Dahabshiil inay gaadhsiiso Xukuumada Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ballan qaaday inay lacagtaasi gaadhi doonto dadkii loogu talo galay  iyadoo la samyn doono wajigii labaad ee Raashin qeybinta Degmooyinka Dalka.

COMMENTS
Latest News