Yoolnews.com
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe oo Jawaab Kulul Siiyey Faysal Cali Waraabe, kashifayna Laalush uu ka Rabbo
May 31, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka jawaabay hadallo uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe u jeediyey maalmo ka hor, waxaanu Faysal ku eedeeyey inuu ku nool yahay Cashuurta Dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Baashe.

Guddoomiye Baashe oo Axadda 31-ka May 2020, ayaa sheegay in hadalka Faysal aanu ahayn mid loo dul-qaadan karo, inkasta oo uu Guddoomiye Faysal laftiisu raalligelin ka bixiyey, sixitaanna ku sameeyey, hadalka uu ku sheegay in Guddoomiye Baashe Kursiga iska fadhiyo, waxna aanu ku filnayn Cashuurta danyarta Somaliland laga ururiyana mushahar u qaataan isaga iyo golaha uu hoggaamiyaa, doorashadana ay isaga iyo golihiisu caqabad ku yihiin.

Hase-yeeshee, Guddoomiye Baashe waxa uu ku dooday inaanu masuul ka ahayn dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland ee ay tahay nidaam ka baxsan shaqada Golaha, waxaanu ku tilmaamay Baashe inuu Faysal is-raaciyo Baashe ahaan iyo Xildhibaanno kale oo ay gobolka Sool ka soo wada jeedaan ay tahay cunsuriyad iyo dal ka sheegasho dad waddanka ula siman.

Haddaba, Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, waxaannu isagoo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

COMMENTS
Latest News