Yoolnews.com
Soo Gelitaankii Burco Ee 27 May iyo Qabsashadii Xoogagii SNM Ee Magaaladda Ee Aan Idiin Dulmaray, Saxiibkay Cabdilahi Geeljire Ayaa Iga Codsaday In Aan Sii Waddo, Qabsashadaa Maxaa Xigay? W/Q. Ex. Wasiir Cali-Mareexaan
May 29, 2020 - Written by Yool News
“Kuligeen waynu iska garanaynaa in dawladii Afrikada madaw ugu xooga badnayd ee libaaxa Afrika la baxday aanay ku tegayn hal maalin oo laga dhextoosay oo laga naxsaday ee wacdarihii ay hadhsan yihiin.
Maalintaa 27 May ka dib qabsashadii SNM, waxaa magaalada ka dhacay dhawr waxyaabood oo ay ka mid ahaayeen; dabaaldeg iyo isdhexyaac ciidamadii SNM iyo shacabkii, Jabhada oo u badnayd dhalinyaradii magaalada oo qoysaskoodii oo ay kala baadeen isdhexqaaday, ragdoor ah oo ka dhaawacmay oo uu ku jiro taliyihii hogaaminayeey ee Ahmed Mirre Maxamed Nuux. 
Isla duhurkii waxaa magaalada ku wareegayey gaadhi cad-baahiye ah oo ku amrayey ciidamada SNM iyo wixii ku soo biiray ee ciidan noqon kara in ay isugu tagaan xerada taangiyada ee Goon-cad ee ku taala cidhifka galbèed ee magaalada, sidaas ayeyna yeeleen oo ilaa  2pm hal askari oo jabhadii ahi suuqa ma joogin. 
Galabnimadii Jimcaha ee 27May 1988 waxaa magaalada afarta dhican kaga soo qulqulayey ciidamadii dawlada. Berbera waxaa ka soo baxay guutadii halkaa fadhiday waxaanay soo degeen dacalka waqooyi èe magaalada. Caddaadlay waxaa ka soo baxay ciidan, kaas oo soo maray Oodwayne oo uu xaajin ka soo kaxaystay kuwaas oo fadhiisin ka dhigtay saylada xoolaha oo aan sidaaba uga fogayn saldhigii SNMta ee Goon-cad waxaanay dhinaca koonfureed iskaga xidhmeen ciidamadii xerada BARTA fadhiyey, waxaa kaloo magaalada ku soo xarooday badi ciidamadii xuduudaha jihada koonfureed ka deganaa oo ku teensanaa ilaa Bali-dhiig ilaa Khaatumo iyo inta ka soo hoosaysaysa. Ciidamadaa hawdku markii ay magaalada soo geleyeen indhayaga ayaanu ku arkaynaynay iyaga oo qaab weerar oo kale ah uga soo gelaya oo raabo raabo ah kana soo gelaya dhinaca koonfureed ee xaadaha Oktobar, Hodan iyo Qasabka. Waxaan arkayey xili ku beegan 3:30 nimo oo ciidaamadii hawdka ka soo galay ee dawladu ay ku gubeen gaadhi taxi  ah Baarsiigo agtiisa, gaadhigaas oo uu watay nin ka mid ah dhalinyariidii magaalada ah oo la odhan jiray MADOOBE hase yeeshee dhalinyarii saarnayd way ka badbaadeen. Waxaa iyana ilaa habeenkii ku soo qulqulayey magaalada ciidamadii qaybta 21aad ee gobolada dhexe fadhiyey oo laydhkoodu habeenkii ilaa waagu beryeyey aanu marqudha bakhtiyin. Intaa waxaa dheer ciimadii magaalada ee saaka laga naxsaday oo dib isu habeeyey. 
Ciidamaddaas oo aad cududooda halkaa ka qiyaasi kartaa waxay subaxnimadii Sabtida ee 28 May weeraro afarta jihaba kaga qaadeen saldhigii SNMta ee Goon-cad waxaana jabhadii  lagu soo ururiyey masaafo aan ka badnayn hal km.
Ma waxay ahay mucjiso mise geesimino iyo qibrad dagaal mise ciiddaa u hiilisay sidii dadka qaar lahaayeen? waxaydoontaba ha ahaatee wixii ciidan saaka soo weerar galay waxaa loo jibeyey si la yaable waxaanay 12 kii duhurnimo la baacsanayey daafaha magaalada. 
Waase xusid mudan in maalintaa malaada dhexdeeda laysla soo galay oo si wayn loogu dagaalamay oo surimada suuqa aad ku arkaysay baabuurtii ciidanka dawlada oo gubanaya. 
Wixii maalintaa ka danbeeyey waxaa la kala samaystay laba aag oo SNM oo magaalada haysata iyo diimadii dawlada oo talawga dooxa ee xeryaha Gaaska iyo Killaha iyo Airportka fadhiya laakiin dagaaladu joogto ayey ahaayeen haba u badnaadaan madaafiicda aan xadka lahayn ee ay ciidamada dawladu ku duqaynayaan magaalada iyo diyaarado iyana samayn jiray duqayn joogto ah.
Intaasina waa casharo ka mid ah taariikhdaada.

COMMENTS
Latest News