Yoolnews.com
“Maxaa Sababa isku Dhaca Beelaha?. Siyaasi Axmed Cali Faarax (Timo)
May 27, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Siyaasi Axmed Cali Faarax (Axmed Timo), oo kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa qoraal u soo gaadhsiiyey Shabakada Xogreebnews waxa u kaga Hadlay arimaha amniga iyo sidii loo adkay laha. Waxanu u dhigan yahay qoraalkaasi sidan.
“Akhristayaasha sharafta leh, waxaan Halkan ugu soo gudbinayaa maqaal, ciwaankiisu yahay, maxaa sababa isku dhaca Beelaha?. Waxanaynu si kooban uga hadli doonaa, sida aynu ogsoonahay dadku waxay doorteen dawlad, iyadana loo xil-saartay wax alle iyo wixii xagal daacinaya amniga inay waxka Qabato.
Sidaa darteed, marka ay dawladnimada noqoto, mid hawsheedii gabta ama daciifto, dadka qayb kamid ah u dareentaa mid dhinac u janjeedha, kadibna waxa timaada in la isku dhaco.
Haddaba si taas looga badbaado, shaqada ugu muhiimsan ee ay dadka dawladu u haysa, waa sugitaanka amniga dawladnimo, waxanaad moodaa waqtiyadan dambe inuu Dabac badani ku yimmi xaga amniga.
Marka la eego, xaaladaha ka taagan Bariga Somaliland, oo nabadeedu ilaa imika aanay saldhiganin, iyo qayla-dhaanta kasoo yeedhaysaa Gobolka Sanaag iyo meeshaa la yidhaahdo Ceel-gardi.
Sidaas daraadeed dawladu iyadda ayaa ka masuul ah amniga, waxanay u leedahay qaybo badan,oo ay kamid tahay Indhaha, Dheggaha iyo gacmaha. Dawladnimadu sadexdaas qaybood ee ay leedahay,
1: Indhuhuu waa cida Maamulka ah ee markaa halka joogta, inay araagto wixii Amni daro ah ee jira
2: Dhegguhuna waa Sirdoonka ay dawladu leedahay, oo isna soo ururiyo, wax alle iyo wixii hawlo ah ee jira, ee ku saabsan Amni darada
3: Tan Sadexaad oo ah, dawladu inay isticmaasho gacanteeda, talaabana ka qaado dhinacyada amni darada wada, isla markaana hawlgeliso Ciidamadeeda Booliska iyo milateriga.
Sida awgeed, waxaad mooda Maanta Somaliland, Xukuumada jirta Dabac badani kaga yimi xaga amniga, loona baahan yahay in la dardar geliyo, si aanay hadhow arrimuhuu u gaadhin meel aan laga soo qaban karin. Waxana loo baahan yahay in arimaha amniga culays badan la saaro, dawladu ku xisaabtanto amnigu inuu yahay masuuliyadeeda.
Waa bilaahi Tawfiiq
Axmed Cali Faarax
Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
Latest News