Yoolnews.com
“Beesha Ciise Muuse Waxay Ku Dulman Tahay Magaca la Yidhaahdo Habar Awal” Siyaasi Axmed Cali Faarax (Axmed Timo).
May 21, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Siyaasi Axmed Cali Faarax (Axmed Timo), ayaa ka Hadlay cadaalad darada Xukuumada u gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo saami-qaybsiga sad-bursiimada wata.
Siyaasi Axmed Cali oo Qoraal u soo Saaray kaga Hadlay liis lagu shaacinayey Magacyada 9 Agaasime guud oo ay isku Hayb yihiin Madaxweynaha, waxa uu sheegay in magaca Habar Awal ay ku Dulman yihiin Beesha Ciise Muuse. Sidaasna waxa u ku sheegay qoraal u soo gaadhsiiyey Shabakada Xogreebnews, waxanu u dhigan yahay sidan.
“Waxaan Halkan idinku soo gudbinayaa, anigoo ah Axmed Cali Faarax (Axmed Timo) Liiska Agaasimayaasha guud ee Dawlada Somaliland, ee u Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sida ku cad qoraalka lagu baahinayo baraha Bulshadu waxa uu Tilmaamaya in 9 Agaasime guud ee kamid ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi yihiin Reerka la yidhaahdo Habar Awal.
Saami Qaybsiga Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi
Habar Awal
1.Agaasimaha Guud Madaxtooyada:-Sacad Muuse (Habar Awal)
2.Agaasimaha Baanka :- Sacad Muuse (Habar Awal)
3.Agaasimaha Wasaarada Cadaalada:- Sacad Muuse (Habar Awal)
4.Agaasimaha Wasaarada shaqo galinta:- Sacad muuse (Habar Awal)
5. Agaasimaha Wasaarada Maalgashiga:- Sacad Muuse (Habar Awal)
6.Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka:- Sacad Muuse (Habar Awal)
7.Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada:- Ciisa Muuse (Habar Awal)
8.Agaadimaha Wasaarada Qorshaynta:- Ciisa Muuse (Habar Awal).
9.Ku Simaha Agaasimaha Wasaarada Gaashandhiga:-Sacad Muuse (Habar Awal).
Hadaba waxa loo baahan yahay in la kala qaado Habar Awal, 9 Agaasime guud 2 kamid ahi Waa Ciise Muuse, 7 waa Sacad Muuse, sadbursiimada iyo Cadaaladda daradu reeraha gudahoodana way ka jirtaa.Taasi waxay muujinaysaa cadaalad darada saami-qaybsiga xubnaha Agaasimayaasha guud, ee ka jirtaa Xukuumadda Somaliland ee u gadhwadeenka yahay Muuse Biixi.
Iyadoo Somaliland oo dhami dulman tahay ayey hadana Beesha Ciise Muuse ku sii dulman tahay oo ay ku dulman tahay magacaa la yidhaahdo Habar Awal iyo Xukuumada jirta. Tusaale ahaan 9 Agaasime 7 kamid ahi, waa qoyska Madaxweynaha ama Beesha Sacad Muuse ee u kasoo Jeedo.
Sidaas daraadeed waxaan soo jeedinayaa in waxyaabaha dib loogu noqdo, lana saxo khaladaadkaa jira dhamaantii. Qofkastaa wuxuu wax ku jecelada cadaalad, cadaalad Daraduna waxay noqotaa wax sii diidiyaa oo sii kala foggeeya.
Gabogabadii waxaan leeyahay arinka cadaalad darada saami-qaybsiga kuraasta agaasimayaasha guud iyo wixii la hal mala, in dib loogu noqdo oo si siman oo cadaaladda ah wax umada loogu qaybiyo, wixii dambe insha Allah waxanu usoo gudbin doonaa si Taxane ah.
Alla mahad leh
Axmed Cali Faarax. (Axmed Timo)
Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
Latest News