Yoolnews.com
Gudoomiyihii hore ee Wajaale oo Shacab-weynaha Somaliland ku Hambalyey Xuska 18-ka May….
May 18, 2020 - Written by Yool News

London(Yool- Gudoomiyihii hore ee degmada Wajaale Mudane Aadan Shiine, ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka arrimaha gudaha, Ciidamada Qaranka ee kala duwan, golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku Hambalyey xuska Sanaad guurada 29aad ee dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland ee 18-ka May.
Gudoomiye Aadan Shiine waxa uu Ilahay uga baryey umadda Somaliland inuu ku guuleeyo Himiladood, isla markaana sanaadkan sanaadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.
Geesta kale, Ex. Gudoomiye Aadan Shiine waxa u Ilahay uga baryey Shacab-weynaha Somaliland iyo muslimiinta iyo weliba aduunka inuu rabbi ka kor qaado aafada xanuun ee samaysay Coronavirus.
Guntii iyo gebo-gebadii waxa uu ugu hambalyey Ciid Wanaagsan shacabweynaha Somaliland meel kastoo ay joogaan, waxanu ugu baaqay inay u midoobaan qaranimada Somaliland

COMMENTS
Latest News